Soomaaliya oo Lagu Amaaney Shirka Caalamiga Ah Ee lagu soo Afjarayo Tacadiyada Dumarka Aduunka Loo Geysto.

0
206
Wasiirka Warfaafinta, Mudane Mustafa Duhulow ayaa soo dhoweeyey doorka hogaamineed ee UK ee arrimaha Somalia, iyadoo Somalia lagu ammaanay Shirka Caalamiga ah ee maanta lagu soo gabogabeeyey London ee looga hadlayey sidii loo joojin lahaa Tacadiyada loo geysto dumarka Adduunka. Intii uu Shirkan Caalamiga ah socday ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee UK William Hague ayaa ammaanay Dowladda Somalia doorkeeda siyaasadeed iyo sida ay uga go’antahay in tacadiyada dumarka iyo dhammaan tacadiyada Xuquuqul Insaanka la soo afjaro.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka, Marwo Khadija Mohamed Diriye, iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga, Mudane Abdirahman Dualeh Beileh ayaa ka qeybgalay Shirkan Caalamiga ah ee lagu soo afjarayo Tacadiyada Dumarka loogu geysto goobaha Collaadaha oo ka dhacay London 10kii ilaa 13kii June 2014. Dowladda Somalia waxaa uga qeybgalay Wasiirada, mas’uuliyiin hay’adaha dowladda ka socda, bulshada rayidka ah, maamulada gobollada iyo hay’adaha aan dowliga aheyn.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ayaa xusay muhiimadda ay Somalia siineyso dib u eegista garsoorka, si shacabku ay u helaan xaquuqdooda aasaasiga ah. “Nidaam garsoor oo adag lana hubiyey ayey Somalia u baahantahay oo si sax ah dhammaan dokumentiyada iyo barista danbiyada u sameyn kara ee weliba tacadiyada dumarka loo geysto ah, tanoo fursad siineysa qofka dhibanaha ah in si caddaalad ah loo baaro dawadahooda.” Ayuu yiri Wasiirku. Wasiirka oo ka duulaya arrimahan ayaa soo dhoweeyey Baratakoolka caalamka eek u wajahan sidii dokumentiyada loo sameyn lahaa marka ay timaado danbiyada tacadiyada dumarka oo shirka laga soo jeediyey, oo uu weliba Wasiirka ballanqaaday in Somalia ay fulin doonto go’aanada halkan lagu gaaro.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka ayaa sharaxday sida loogu baahi qabo in Somalia dadka laga wacyigeliyo arrimaha Xuquuqul Insaanka. “Inta ay jirto dad aan aqoon xaquuqdooda gaar ahaan dumarka iyo carruurta, way ku adkaaneysaa inay ka hadlaan danbiyada loo geysto. Tani waa dhaqan nooga baahan inaan si deg-deg ah u bedelno, waana sababta aan u diyaarinay Qorshe Howleedka oo qeexaya nidaam cad-cad iyo waxqabad nooga baahan inaan ku guuleysano.” Ayey tiri Wasiir Khadija.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Somalia, Mr. Nicholas Kay, ayaa ballanqaaday taageero dhab ah si loo yareeyo collaadaha iyo tacadiyada loo geysto dumarka Soomaaliyeed.
Maalintii gabogabada Shirka Caalamiga ah ayaa William Hague uu cabiray sida uu ugu faraxsanyahay in waddamadii ka soo qeybgalay ay ku dhawaaqeen inay taageerayaan qorshe howleedka la soo bandhigay, sida dalka Somalia.

Shirkan Caalamiga ah ayaa ujeedadiisu aheyd in beesha caalamka la isu keeno oo ay si qoto dheer uga hadlaan arrimaha tacadiyada dumarka oo ka soo qeybgalayaashu ay ka kala yimaadeen mas’uuliyiinta dowladaha, bulshada rayidka ah, ciidamada iyo hay’adaha sharciyada ee dalalka adduunka. Waxaa shirkan wada shir guddoominayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Aasaasaha PSVI Rt Hon William Hague, iyo Ergeyga Gaarka ah ee UNHCR oo iyadana ah Aasaasaha PSVI Ms. Angelina Jolie.

Shirkan Caalamiga ah ayaa ah kii ugu weynaa abid adduunka oo looga hadlo arrimaha tacadiyada dumarka adduunka, si meel la iskula dhiga marxalad la isku wada raacay sidii loo ajari lahaa tacadiyada dumarka ee goobaha collaadaha oo la isla gartay sidii looga hortagi lahaa tacadiyadaas oo heer caalami ah.

Somalia iyo Congo Democratic Republic ayaa ahaa wadamada diirada lagu saaray Shirkan Caalamiga ah.

Wasiir Khadija Mohamed Diriye ayaa shirka hordhigtay Qorshe Howleedka Qaran ee Somalia oo looga hortagayo tacadiyada dumarka goobaha collaadaha. Qorshahan ayaa hoosta ka xariiqayey dadaalka ay Dowladdu sameysey ee ku wajahan sidii loo horumarin lahaa xaquuqda dumarka iyo gabdhaha ee Somalia. Waxuuna ahaa qorshe ku yimid si la tashi ah oo si isla xisaabtan ah la rabo in loo hirgaliyo, oo loo hormariyo taageerada dhibanayaasha iyo badbaadadooda, oo la sugayo amnigooda iyo weliba dowladda oo kordhineysa xiriirka iyo wada shaqeynta beesa caalamka si dumarka Soomaaliyeed ay u helaan gar-gaar deg-deg ah.

Wasiirada 5 dal oo ay goob job aheyd Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Caruurta iyo collaadaha, ayaa isku raacay bayaan ay si wadajir ah u soo wada saareen oo ujeedadiisu tahay sidii loo yareyn lahaa dhibka carruurta ka soo gaara goobaha collaadaha. Wasiiradu waxey isku raaceen inay ka wada shaqeeyaan arrinkan oo ay guulaha waddan walba ka gaaray arrinkan la wadaagaan dalalka kale si loo soo afjaro dhibaatooyinka carruurta adduunka.

Shirka Caalamiga ah ayaa soo gabogaboobay oo Xoghayaha Guud ee QM Mr. Ban Ki Moon uu ugu baaqay dalalka adduunka inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa hiraalka guud ee ah in adduunka laga cirib tiro tacadiyada dumaka loo geysto.

DHAMMAAD

unnamed-71

Idale News Online,