Siyaasiyiin si aad ah looga yaqaan Muqdisho oo ka mid noqdey dowlad goboleedka KG ee Madaxweyne Shariif Xasan Sh Aadan

0
251

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa magacaabey golihiisa Wasiirada. kuwaasoo ay ku jiraan siyaasiyiin magaalada Muqdisho si aad ah looga yaqaano  waxaana laga xusi karo Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Cadaalada C/laahi Sheikh Xasan, Ex Xildhibaan C/qaadir Nuur Caraale, Ex Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhiga ahaana xildhibaan hore  Cumar Aadan Xasan “Cumar Dheere iyo C/Naasir Cabdi Caruush oo la dhashey Marxuumad Istarliin Cabdi Caruush oo iyadu lagu dilay gobalka Shabeelaha Hoose iyadoo ku howlan u gargaarida dadka tabaaleysan ee gobolkaas.

Dhamaan siyaasiyiintaantaan Shariifku magacaabey ayaa qeyb ka ah saamiga beelaha iyagu sheegta inay gobolka Shabeelaha hoose wax ku leeyihiinn. halka kuwa kale ee iyagu aan ka mid noqon golaha wasiirada maamulka KG la filaayo iney qabtaan xilal wasiir ku xigeeno iyo mid heer degmo ah.

xisbiganabad

Isu geynta tirada Wasiirada uu Madaxweyne Shariif Xasan ilaa iyo haatan magacaabey ayaa ah 24 xubnood, oo afar ka mid ah dhowr maalmood ka hor la magacaabey, waxaana sidoo kale la dhowrayaa ilaa 5 wasiir oo kale kuwaasoo  loo qoondeeyo beelaha careysan ee saamiga wasiiradaan aan wax ka helin.

Halkaan ka akhriso Tirada 20 Wasiir ee Shariifku Magacaabey iyo Beelaha ay ka soo kala jeedaan:

1- C/fitaax Ibraahim Geesay Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga, (Mirifle/Leysaan).

2- Xasan Xuseen Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Hub ka Dhista, Dhaqan Celinta iyo Tababarida Maleeshiyaadka, (Mirifle/Yantaar).

3- Saalim Xaaji Xasan Cismaan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta, (Digil/ Jiido).

4- C/qaadir Shariif Sheekhunaa Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, (Digil/Tunni).

5- Cabdinaasir Cabdi Caruush Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, (Hawiye/ Habargidir/ Ceyr).!!!

6- Isaaq Cali Subug Waxaa loo magacaabay Wasiirka Waasaaaradda Caafimaadka, (Mirifle/Jaroon).

7- Saadaad Maxamed Nuur Cali Caliyow Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta,(Mirifle/Eelaay).

8- Xasan Ibraahim Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Hiddaha, Tacliinta Sare iyo Ticnoolijiyadda,(Mirifle/Geeledle).

9- Xasan Cabdi Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinra Bulshada,(Mirifle/Macalinweyne).

10- Maxamed Cumar Zeytuun Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta,(Daarood/Ogaadeen).

11- C/laahi Cabdi Cumar Fanax Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga,(Hawiye/Wacdaan Cismaan).

12- Aadan Xasan Maxamed “Usama” Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha,(Mirifle/Dissow).

13- C/laahi Sheekh Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha,(Hawiye/Abgaal/Daa’uud)!!!

14- Axmed Nuur Sheekh Maxamed Luxus Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta iyo Xiriirka Jaaliyaddaha,(Daarood/Ogaadeen).

15- C/qaadir Nuur Caraale Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Arrimaha Dastuurka,(Hawiye/Murusade/Foorculus)!!!

16- C/laahi Muuse Abuukar Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Daryeelka Naafada,(Fillo Goordhgow).

17- Cumar Aadan Xasan “Cumar Dheere” Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska iyo Duurjoogta,(Hawiye/Gaaljecel)

18- Macalin Maxamuud Maxamed “Macalin Jiis” Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Daaqa, (Digil/Shanta-caleemood)

19- Axmed Maxamed Barre Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta,(Dir/Biyamaal).

20- Jeylaani Sheekh Maxamed Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha,(Digil/Shanta-caleemood).

Golaha Wasiirada Maamulka KG oo 29 wasiir ka kooban ayaa waxaa weli dhiman wasiir ku xigeeno gaaraaya 29 xubnood oo kale, taasoo dadka qaarkiis ay u arkaan in shariifku dhex dabaashey mowjado siyaasadeed oo ka culus ee xariiftankii dowlada dhexe oo iyadu ku koobeynd siyaasiyiin kooban.

Idale News Baydhabo.