Shirkadaha Diyaaradaha Ee ka Shaqeeya wadanka Soomaaliya oo ka cabanaya si cirjabin

0
177

Wargeyska The Stander ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray Sabtida maanta ah in ay soo badanayaan diyaaradaha rakaabka ah ee aadaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ilaa lix duulimaad ayaa u kala goosha Inta u dhexeysa Garoonka diyaaradaha Jomo-Kenyatta (JKIA) ee magaalada Nairobi iyo garoonka caalamiga ee Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ee magaalada Muqdisho.

Waxa ka mid ah diyaaradaha duulimaadyadaas sameeya Jubba Airways, African Express Airways, Sky-World Air, East African Safari Air Express iyo Hijra Airways.

Sidoo kale waxaa dhawaan ku biiray diyaaradda Air Uganda oo laga lee yahay dalka Uganda taasoo sannadkii horre billowday duulimaad toos ah oo Muqdisho iyo Kampala.

Waxaa kaloo jira ilaa lix diyaaradood ah oo kuwa ka shaqeya gudaha dalka .

Inta badan diyaaradaha aada Muqdisho, waa kuwa ay la socdaan dad u socda Soomaaliya, saraakiisha dowladda
iyo ganacsato Soomaali ah oo ka timid adduunyada oo dhan kuwaasoo doonaya in ay maalgashi ka sameeyaan Muqdisho oo isbadal weyn uu ka muuqdo.

Haddaba tartankaas waxaa uu sameyn ku yeeshay shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida, kuwaasoo ka cabanaya in uu soo wajahay suuq xumo.

Diyaaradaha Soomaalida oo ka cabanaya sicirjabin

Idale News Online.