Shirkada Dahabshiil oo iibsatey shirkadii Isgaarsiinta TeleCom Somalia & tartan ka dhex bilowday Hormuud iyo Dhahabsiil

0
439

Tartanka u dhaxeeya Shirkada Isgarsiinta Hormuud iyo Shirkada Xawaalada Dahabshiil ayaa bilow u noqon doona dagaalka Isgaarsiinta Koofurta Soomaaliya, kadib markii Shirkada Dahabshiil ay dhowaan iibsatay shirkadii isgaarsiinta Telecom Somalia.

Loolanka u dhaxeeyay shirkadaha isgaarsiinta ee dalka ayaa ahaa mid marxalado kala duwan soo maray, iyadoo dadka ay si weydiinayaan in loolanka cusub ee labada shirkadood ee ugu tunka weyn shirkadaha ganacsiga ee Soomaaliya inuu xiiso u yeeli doono adeegyada isgaarsiineed ee dalka, gaar ahaan dhinaca Internet-ka.

Labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay heshiis ay kala saxiixdeen Shirkada Dahabshiil iyo Telecom Somalia oo ka mid aheyd shirkadaha isgaarsiinta ugu horeeyay ee dalka ka hana qaaday tan iyo bur burka dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Heshiiskaas ayaa keenay in loolan cusub uu ka dhex bilowdo Shirkadaha isgaarsiinta kala ah Hormuud, Nation Link iyo Telecom oo hada loo bedelay SOMTEL, kadib markii ay la wareegtay shirkada Xawaalada Dahabshiil.

SOMTEL ayaa hada ka howl gasha deegaanada Somaliland, iyadoo keentay adeegyo kala duwan ee dhinaca isgaarsiinta, sida Taleefano raqiis ah oo dalalka aduunka qaarkood lagu wacayo qiimo aad u yar, Adeeg Internet oo xawaare ah, waxaana laga yaabaa inay suura gasho in adeegyadaas qaar inay ka bilowdo Koofurta Soomaaliya marka ay si rasmi dhowaan u howl gasho.

Shirkada SOMTEL ayaa hada dhisme aad u dheer ka hirgelineysa magaalada Muqdisho, kaasoo haatan gabo gabo ku dhow, waxaana dadka reer Muqdisho iyo kuwa Koofurta Soomaaliya ay dhararayaan xiisaha uu yeelanayo dagaalka Isgaarsiineed ee ka dhex bilaabayo shirkadaha ugu tunka weyn ee Ganacsiga Soomaaliya.

Loolanka u dhaxeyn doona shirkadahan ayaa faa’ido badan ay ka heli doonaan dadka Soomaaliyed oo horay dhib badan uga qabay shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa Internet-ka ee lacagaha faraha badan uga bixi jiray.

Sida laga soo xigtay Mas’uuliyiinta Shirkada Dahabshiil ayaa sheegay inay dhowaan doonayaan inay tartan adag oo dhinaca Isgaarsiinta ay la galaan shirkada Hormuud oo saameyn ballaaran ku leh bulshada ku dhaqan Koofurta Soomaaliya, iyadoo Shirkada Hormuud ay u horeyso, kadib markii shirkadaha ay lumiyeen macaamiishooda.

Ilo wareedyada qaar ayaa sheegaya in kadib markii ay weysay dhaqaale xoogan oo ay Dahabshiil ka heli jirtay lacagaha ay isku diraan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta Soomaaliya, taas oo ay dhuunta u istaagtay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo sameysay adeega loo yaqaano EVC Plus oo dadka iyagoo aan laga qaadin wax lacag ah ay lacagahooda isku diraan iyagoo adeegsanaya Mobil-ka gacanta ay ku wataan, waxayna taasi meesha ka saartay dhaqaalihii ay shirkadaha xawaaladaha ay oo ay ugu horeyso Dahabshiil ka heli jireen lacagaha ay dadka isku diraan, waxayna soo wadaa Dahabshiil sida la sheegay adeeg u dhigma Evc Plus oo ay ugu magacdartay E-Cush (Iikaash).

Tartanka xajmiga weyn ee ka imaanaya Dahabshiil ayaa durbaba laga dareemay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo aan weligeed qiimo dhimis buuran u sameyn dadka Soomaaliyeed, iyadoo hadda dadka teleefankeeda ku hadla u sameysay qiimo dhimis, gaar ahaan marka la gaaro wixii ka dambeeya 10:00-fiidnimo ama habeennimo oo ay yar tahay inta ku hadasha, iyadoo ay xusid mudan tahay in qiimaha lacagta lagu hadlo shirkadda SOMTEL ay aad uga jaban tahay tan Shirkadaha Isgaarsiinta ee koonfurta ka jira sida Hormuud iyo Nation-link.

Tusaale ahaan shirkada SOMTEL ee deegaanada Somaliland waxaad habeenkii ku hadli kartaa seddex boqol oo daqiiqo, maalintiina waxaad ku hadli kartaa kaarka SOMTEL boqol daqiiqo, tusaale ahaan wixii ka dambeeya lixda fiidnimo illaa lixda subaxnimo halka doolar ee Somtel waxaad ku hadli kartaa 300 oo daqiiqo, lixda subaxnimo ilaa lixda fiidnimo halka doolar waxaad ku hadli kartaa 100-daqiiqo, adeega Internet-ka ee GPRS-ka SOMTEL isaguna flashka markaad ku isticmaaleyso halka doolar waxaad ku heli kartaa 300-mb, markaad ku isticmaaleysid Mobilkaaga GPRS-ka Somtel halkii doolar waa 150-MB.

Dhanka Shirkada Hormuud ayaa halkii doolar maalintii uu yahay 20-daqiiqo, halka habeenkii uu yahay 50-daqiiqo, waxayna leedahay adeega GPRS oo ka qiimo badan kan ay bixiso shirkadda SOMTEL, sidaasi oo ay tahay ayaa lagu wadaa bilaha soo socda in shirkadaha Hormuud iyo Dahabshiil ay galaan tartan xoogan oo ah dhanka isgaarsiinta, iyadoo xaqiiqo ay tahay in bulshada ay raaci doonto shirkaddii ugu qiimo yar, waxaana xusid mudan in hadda aysan is wici-karin shirkadaha Hormuud, Telecom iyo Nation-link, arrinkaas oo ay dhib weyn ku qabaan dadka Soomaaliyeed ee adeegsada teleefanadooda.

Si kasta oo ay ahaataba shirkadda Dahabshiil ayaa macaamiil badan ku weysay adeega EVC Plus-ka loo yaqaano arrinkaasi oo keenay inay la wareegto Telecom, Dahabshiil waxay Somaliland ka hirgelisay Internet xawaare sare leh oo aysan bixin shirkadaha ka jira koonfurta Soomaaliya, waxaanna dhab ah haddii adeegyadaasi kuwa la mid ah ay ku darto SOMTEL, waxaana la sugi doonaa sida Tartankan uu ku bilaaban doono iyo jawaabta dadka Soomaaliyeed