Shariif Xasan:Maxaa ka jira warka sheegaya inuu is casilayo

0
306

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, kaasoo ku saabsan hadal heyn iyo xan hoose oo sheegeysa inuu is casilayo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhowrkii todobaad ee u dambeeyay uu saarnaa cadaadis siyaasadeed uga imaanayay dowladda Federaalka.

Inkastoo wax kasta is bedeli karaan, hadana warka ugu badan ee Baydhabo laga helayo ayaa ah in Shariifka uu ku dhawaaqi doono inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kana haray tartanka Doorashada Koofur Galbeed.

Kulamo aan loo kala kicin ayaa ka socda Madaxtooyada Koofur Galbeed, waxaa kulamada ugu badan uu u dhaxeeyaa Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Wariyeyaal ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in galabta 4-ta galabnimo looga yeeray Madaxtooyada Koofur Galbeed shir jaraa’id  oo aan loo sheegin cida qabaneysa, balse loo badinayo in Shariif Xasan qabanayo, si uu ugu dhawaaqo is casilaadiisa.

Wararka ka soo baxaya Baydhabo aad ayay u kala duwan yihiin, xaalada siyaasadeed weli waa mid aan sal laheyn, marka loo eego is bedelada saacadba saacada ka dambeysa dhacaya.

Labo maalin ka hor ayay aheyd markii uu soo shaac baxay warka ah inuu Shariif Xasan is casilayo, balse waxaa lama filaan noqotay oo dhinac kale siyaasadda isku bedeshay, markii ay is casileen Guddigii Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ay iska casileen 15 xubnood ka mid ah oo ay ku jiraan Guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa.