Shaqaale Turki ah oo lagu Amray in ay Somalia ka baxaan & Sirdoonka oo loo Magacaabay Taliye

0
284

Muqdisho(HOL) — Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee Somalia oo isugu yimid shir aan caadi ahayn oo uu Shir guddoominayay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa Waxaa si adag loogu cambaareeyay Af-gambigii la doonayay in lagu kala Dhantaalo Horumarrada iyo Dimuquraadiyadda ay gaareen shacabka dalka Turkiya ee aan Walaalaha nahay.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, ay Goluhu Amar ku siiyeen Hay’adda Nile Academy oo Turkiga laga leeyahay in shaqaalaheedu ay muddo toddobaad ah uga baxaan Somalia, sidoo kalena waxaa kulankan lagu magacaabay Taliyaha Nabsad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu xusay in Dawladda Federaalka Somalia ay uga Tacsiyeynayso Dawladda iyo Shacabka Turkiya khasaarihii nafeed ee Af-gambigani sababay oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Waxaana goluhu tacsi u direy dadkii Waxyeeladu kasoo gaartay falkaas, iyadoo Intii dhaawaca ahna ilaahey uga baryey caafimaad deg deg ah in uu siiyo.

Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay isla garteen qodobada soo socda iyadoo la tix-gelinayo codsiga dowlada Turkiga kuwaasoo kala ah:

1. In la joojiyo adeegyadii ay bixin jirtay Hay’ada Nile Academy ee Dugsiyada, Isbitaalada iyo wixii kale oo hoos-yimaada.

2. In hawl-wadeenada Nile Academy ay muddo toddoba Casho gudahood ah ay uga baxaan Dalka, taasoo ka billaabanaysa 17-ka bishan July 2016-ka oo ku beegan Axadda Berri ah.

3. Dowladaha Somalia iyo Turkiya waxay si wadajir ah u ballan-qaadayaan in adeegyadii Caafimaad iyo Waxbarasho ee ay bixin jirtay Hay’adaasi sidoodii u sii socon doonaan. Maamul cusub-na loo sameyn doono.

Dhanka kale, Golaha Wasiirada Xukuumadda FS ayaa Shirkoodii maanta si rasmi ah ugu magacaabay Taliyaha Hay’ada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo horay si KMG ah xilkaan ugu hayay.

Ugu dambeyntii, Wasaarada Arrimaha Dibaddad Somalia, ayaa Warbixin laga dhageystay ku sheegtay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku xanniban Dalka Koonfurta Suudaan oo Muddooyinkii u dambeeyay ay qalalaaso siyaasadeed ka jireen, iyadoo Goluhu isku raacay in dadkaasi gurmad loo fidiyo.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.