Shaqaalaha Dowladda Oo Ka Cabanaya Mushaar La’aan Heysata Muddo Afar Bilood Xiriir Ah

0
176

Muqdisho(INO)— Shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa ku jira marxalad dhaqaale xumo oo aad u daran, iyagoo la’ mushaarkii iyo gunnadii ay xaqqa u lahaayeen muddo afar bilood oo xiriir ah.

Qaar ka mid ah shaqaalaha ka howlgala Wasaaradaha dowladda qaar ka mid ah ayaa ku qeylo dhaaminaya in iyadoo ay ku soo beegan tahay bisha Ramadaan aanay wali guddoomin wax mushaar ah.

Shaqaalaha dowladda oo heerar iyo darajooyin kala leh ayaa qaar ka mid ah oo ah howlwadeenada heysta Passport-ka Soomaaliga ay mushaar ka qaataan Bankiga dhexe, hayeeshee muddo afar bilood ayey la’yihiin wax gunno iyo mushaar intaba, lamana yaqaan sababta.

Balse waxaa jira qaar ka mid ah howlwadeenada dowladda oo heysta Passport-yada wadamada qaaradaha Yurub iyo Ameerika , kuwaasoo ka mushaar badan kuwii hore wadanka u joogay, waxa ayna bil waliba mushaar aan kala go’ laheyn oo joogta ah ay ka helaan Midowga Yurub, IOM iyo UNDP.

Qeylo-dhaantani ayaa ku soo beegmeysa , xilli muslimiinta caalamka ay u diyaar garoobayaan bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado iyo kheyr huwan.Dadka ayaa is weydiinaya, iyadoo dowladda bil walba lacago mallaayiin doollar uga soo xaroodaan Dekeda iyo Air Porka sababta ay shaqaalaha dowladda mushaar u heli la’yihiin, waxaana jira dhaqaale ka baxsan Dekeda iyo Air Porka oo ay dowladda ka hesho Caalamka, inkastoo dowladda ku doodeyso in aysan wali kaalmo dhaqaale ka helin dalalka deeqaha bixiya.

Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo looga bartay marka la gaaro bisha Ramadaan inay sare u kacaan qiimaha raashiinka iyo badeecadaha kala duwan ayaa ah mid ku keenaya culeys dhaqaale qoondada qoys waliba hore u biilan jiray.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here