Sh. Xasan Daahir: “Shariifow waxaan kaa quustay Doorashadii markii codadkaadii aad siin weyday Xasan Sheekh..” Farriin Culus

0
97

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa maxkamidigii islaamiga, Xisbul islaam iyo Alshabaab, haddana xabsi guri ugu jira dowladda Somalia ayaa farriin culus u diray madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed.

Muuqaal uu soo duubay Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay inuu talada si sahal ah ku qabtay, kadibna meel cidla ah uga tegay, wuxuuna ku eedeeyay inuu ka tegay mabda’ii uu kusoo baxay ee uu talada ku qabtay, wuxuuna uga digay inuu dadka qatalin oo uu yahay nin dadka ku meel gaara oo cidla uga taga, isla markaana aanu hal qof ka heynin dadkii uu wax ku noqday.

“Waxaan kaaga quustay markii doorashadii Madaxweynehe adoo heysta 46 cod aad siin weyday Xasan Sheekh, ileyn arrintu qabiil ayey ahayde.. Xasan Sheekh waa ku tartami karay codadkaas..” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo ku celceliyay in arrinta uu uga quustay ay ka mid tahay arrintaasi.

Sheekh Xasan Daahir ayaa farriintiisa ugu sheegay Sheekh Shariif inuusan dagaal qabiil dib ugu celin dadka mar haddii aanu heynin mabda’, wuxuuna si toos ah ugu qaadqaaday Sheekh Shariif oo uu sheegay inuu si weyn u yaqaan.