Baydhabo(INO)-Iyadoo Weli Ay ka Jiraan Abaaro iyo Biyo la’aan Ba’an Deegaano Iyo Degmooyin ka Tirsan Dowlad Goboleedka Kooonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa kordhaya Dadaalada ay wadaan maamulka.
Shirkadaha Gaarka Loo leeyahay, Ganacsatada iyo ma’suuliyiinta dowlada sidii ay ku samatabixin la haayeen Dadka Abaaruhu Ay Saameeyeen.
Xildhibaanad Samra Ibrahim Cumar Iyo Xildhiban Xasan C/nuur Cabdi oo ka mid xildhibanada cusub ee Aqalka Hoose ee Dhawaan la doortey Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Dhankooda xiligan si Shakhsi ah waxa ay uga qeyb qaateen Biyo Dhaamin loo sameeyey qaar ka mid ah kaamamka ku yaal duleedka Baydhabo halkaasi oo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah barakacayasha xiligan la dhibaateysan abaaraha ba’an ee dalka ka jira.
Xildhibanada Samra Ibrahim cumar Oo la hadashey warbaahinta Idalenews.com Xafiiskeeda warqabadka Baydhabo ayaa waxa ay ugu baaqey bulshada qeybaheeda kala duwan in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinaayo walaalahooda kasoo barakacay Abaaraha iyo kuwii horey ugu sugnaa kaamamka.
Ugu dambeyntii, Qaar ka mid Xildhibaanada Dowlada ee Dhawaan la doortey ayaa maalmihii u dambeeyey waxa ay ka qeyb qaadanayeen biyo dhaaminta la sameynayey taaasi rajo gelisey shacabka laga soo doortey.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Wariye Maxamed C/casiis Salaad,Idale News Online, Baydhabo