Sawiro: Wiil uu dhalay Kim Jong-nam oo warbaahinta si dadban ula hadlay

0
173

Kualalampur(INO)- Muuqaal gaaban oo ay daabaceen warbaahinta waxaa kasoo dhex muuqday wiil uu dhalay Kim Jong-nam  oo dhawaan lagu dilay madaarka Kualalampur dalka Malaysia,  kasoo dilkiisa lagu eedeeyo waalaalkii oo ah hoggaamiyaha Kuuriyada-waqooyi.

Muuqaalka gaaban qofka kasoo muuqday wuxuu leeyahay, “Magacaygu waa Kim Han-sol, oo ah muwaaddin Kuuriyada-Qaqooyi u dhashay, kana mid ah qoyska reer Kim.

Wuxuu kaloo tilmaamay inuu la noolyahay hooyadii iyo walaashii, laakiin wax macluumaad ah sida taariikh iyo halka uu ku sugan yahay ma sheegin, waana markii ugu horreysay ee xubin ka tirsan qoyska reer Kim ay si shaacsan uga hadlaan geerida Kim Jong-nam.

Wasaaradda sirddoonka Kuuriyada-Koonfureed  ayaa xaqiijisay in qofka hadlayaa uu yahay Kim Han-sol.

Muxuu ku saabsan yahay Muuqaalka la baahiyay?

Wuxuu soconayaa 40-ilbiriqsi qofka hadlayaana wuxuu isku sheegay inuu yahay Kim Han-sol, wuxuu fadhiyaa darbi midabkiisu yahay ciiro, wuxuuna si la fahmi karo ugu hadlayaa English. Wuxuu soo bandhigayaa wax u muuqda inuu yahay aqoosi diblomaasiyadeed oo caddaynaya qofkuu yahay, laakiin sawirka iyo caddaymaha kale waa la qariyay, intaan warbaahinta loosoo bandhigin.   Markuu sharraxay qofkuu yahay, wuxuu raaciyay “Aabahay waxaa la dilay maalmo kahor, aniguna waxaan hadda la noolahay hooyaday iyo walaashay”.

Wuxuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa “Waxaan rajaynaynaa in wax walba hagaagi doonaan goordhow”.

Ma cadda waqtiga iyo goobta lagu sameeyay muuqaalkaas gaaban iyo goobta uu hadda ku sugan yahay Kim Han-sol.

Yaa soo bandhigay muuqaalkan?

Waxaa soo dhigay koox isku magacowday Cheollima Civil Defense, horrey looma maqal, waxayna u egtahay in dhawaan lagu sameeyay magacaas Youtube.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada-Koonfureed, Yonhap News Agency ayaa sheegtay inay kooxdani yihiin kuwa caawiya dadka ka baxsanaya Kuuriyada-Waqooyi, magaca Cheollima waa magaalo ku taala koonfurta-galbeed ee caasimadda Pyongyang. Waxay u direen muuqaalkaas TV laga leeyahay Malaysia oo la yiraahdo Channel News Asia.

Warbixin qoraal ah oo lagu soo daabacay bogga Cheollima (http://www.cheollimacivildefense.org/) ayaa lagu sheegay in qoyska Kim Jong-nam ay codsadeen in ammaankooda la sugo, sidaa darteed kooxdan Cheollima ay ka jawaabeen codsigaas haatanna qoyskaasi 3da xubnood ah la geeyay goob ay ku badbaadi karaan.

Waxayna raaciyeen “Tani waa farriintii ugu dambeysay ee lagu caddeeyo geerida Kim Jong-nam sababo ammaanka qoyska awgeed, lamana sheegi doono halka ay kusugan yihiin”.

Dhowr waddan Holand, China & Maraykan  ayaa u dalbay caawimaad magangalyo oo deg deg ah, laakiin waxaa jira waddan 4aad oo la qarinayo waddanka uu yahay.