Saraakiil loo xiray qaraxyadii Hargeysa ka dhacay Dhawaan.

0
197

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska maamulka la magac baxay Somaliland, ayaa lagu soo waramayaa ineey loo xiray Qaraxyadii xiriirka ahaa ee Habeenadii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Hargeysa.

Ciidamada gaarka ah ee loo yaqaan RRU oo xalay iyo habeen hore howlgalo ka sameeyeen magaalada Hargaysa ayey ku xirxireen afar sargaal oo loo heysto qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Hargaysa.

Saraakiisha la xirxiray ayaa la sheegay inay soo abaabuleen weeraro bambaanooyin ah oo dhoor habeen lagu tuuray xarunta Madaxtooyada iyo meelo ku dhowdhow si amaanka khalkhla loo geliyo sidaa waxaa saxaafadda u sheegay sargaal booliiska ka tirsan, howlgalka la fuliyey ayaa ragga lagu soo xirxiray ee saraakiisha ah waxaa magacayadooda lagu sheegay:-

1- Gaanshaale Guuri Biriq,

2- Col Xasan Maxamuud,

3- Saleebaan Xasan,

4- Gaashaanle Naasir Qaline.

Afarta Sargaal ayaa waxaa hadda ku socda baaritaano, waxaana lagu xiray xabsiga weyn magaalada Hargaysa halkaas oo la sheegay in looga hayo ilaalo xoogan waxa uuna xarigooda imaanayaa xilli dhawaan la xiray wasiir ku xigeenkii hore amniga C/laahi Abkor.

Xiisadaha siyaasadeed ee ka abuurmay khilaafka xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa weli sii socda waxaana dadweynuhu ay ka walwalsan yihiin in khilaafkan iyo xiisadaha ka dhashay ay keenaan deganaansho la’aan saameysa dadweynaha.

hargeysa

Idale News Online, Hargeya.