Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo iska fogeeyay ciidamo Soomaali ah, kuna socda gaadiidka qufulan ee Turkiga

0
155

Muqdisho(INO)- Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada C/casiis ayaa amaankeeda aad loo ilaaliyaa si ka duwan sidii loo ilaalin jiray bilooyin ka hor, waxaana ku sugan ciidamo Turki ah oo aad u hubeysan. amaanka Safiirka, Ambassador Olgan Bekar ayaa waxaa suga ciidamo gaar ah oo Turki ah.

Safiirka ayaa marka uu magaalada u aadayo danaha qarankiisa iyo tiisa gaarka ayaa waxaa galbiya gawaarida daboolan ee xabadaha karin iyo ciidamo gaar ah oo Turki u dhashay, kuwaasi oo marka ay magaalada marayaan si weyn u feejigan, xiliyada qaarna ma ogola in gawaarida kale ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ku socdaan kasoo ag-dhawaadaan, iyagoo ka cabsi qaba in la baltilmaameedsado oo la isku qarxiyo.

turkey-embassy-mogadishu-2

Dhanka kale, wadada hormarta Safaaradda ee ka timaada Fait ayaa gebi ahaanba xiran, waxaana mararka qaar la dhigaa ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gaashaan iyo kuwa Nabadsugida.

Xarunta Safaaradda ayaa ka fogeyn taliska hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee dhismaha loogu yeero Habar Khadiija, halkaasi oo sidoo kale si weyn loo ilaaliyo, wadada hormartana ay go’an tahay, iyadoo kaliya loo ogol yahay shaqaalaha xarunta ka howlgala iyo mas’uuliyiinta dowladda.

turkey-embassy-mogadishu-3

Xaruntii ay horay u deganaayeen shaqaalaha safaaradda Turkida ee ku taal agagaarka hoygii uu deganaa C/qaasim Salaad ayaa sidoo kale xiran, waxaana ku go’an dhagxaan shub ah, mudo sanado ahna lama marin wadada xiriirisa Isgoyska Km4 ilaa Tarabuunka.

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa horay ugu dhawaaqay in la furayo wadooyinka xiran ee muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed, hase ahaatee weli ma muuqdaan balan qaadkaasi afka baarkiisa ku ekaa.

turkey-embassy-mogadishu-1

Sidoo kale, wadada hormarta Madaxtooyada ilaa Sayidka ayaa waxaa lagu soo kordhiyay qaab cusub oo gaadiidka ay si xowli ah ku mari karin, qaabkaasi oo Soomaalida u taqaan askari jiifa, waxaana gaadiidka maalmihii hore ku adkaa inay si degan u maraan, maadaama qaabka loo shubay ay aheyd mid xad dhaaf ah, balse maalmo kadib laga burburiyay in-yar oo dhagxaan ah si gaadiidka salkiisa dhibaato u gaarin.

Dadka shacabka ee ku socda gaadiidka ayaa dhibaato ku qaba marista wadooyinka Muqdisho qaarkood oo gebi ahaanba u go’an, mas’uuliyiin dowlo, safaaraddo, hay’addo iyo shaqsiyaad gacan saar la leh dowladda oo hubeysan.