RW Soomaaliya Md Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka qeyb galay kulan wadatashioo dhexma…

0
153

rDaah-furka  kulankii ugu horreeyey ee wada-tashiga Bulshada iyo dowladda oo maanta ka bilowday degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul wasaaraha Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, guddi-hoosaadka arrimaha Bulshada ee golaha Wasiirrada, Agaasimaha hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda, ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasadda, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo Bulsho ka kala timid ilaa far degmo oo ku yaalla bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulan ayaa waxa uu ka baddelnaa kulamadii horey loo akri jiray, iyadoo dhallinyarada, haweenka, aqoonyahannada afarta degmo ka kala yimid ay tallo, su’aallo weydiin iyo dhalliil si  toos ah ugu jeedinayey madaxda Xukuumadda ee  uu hoggaaminayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab ee kulanka wada-tashiga ah martigaliyey, iyadoo hirgalinta uu lahaa maamuulka gobolka Banaadir, ayaa madasha ka sheegay in ahmiyadda ay leeyihiin in ay tahay sidii la isugu xeri lahaa Bulshada magaalada Muqdisho iyo dowladda.

Ku-simaha Guddoomiyaha  gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda, Maxamed Aadan Guuleed ayaa sheegay in dadka umadda Soomaaliyeed si looga adkaayo in la abuuro afkaar ka soo horjeedda,  gobolka Banaadirna uu diyaar uu yahay in la taabba geliyo howshaasi.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaailya, Mudane Khaalid Cumar Cali, ayaa tilmaamay in Fikirka wada-tashiga Bulshada iyo Xukuumadda in uu soo Hindisay Ra’iisul wasaaraha oo uu hor keenay gudd-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wasiirrada, si tallada loo siiyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga ahna sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Qaranka, Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa Ra’iisul wasaaraha ka codsaday in la sii wado kulamadan oo kale tallooyinka shacabkuna ay ku howl-geli doonaan hey’adaha ammaanka Qaranka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Maxamed, ayaa kulanka wada-tashiga gabagabadiisa ka sheegay in wada-tashiyada ay sii socon doonaan si dalka horumarkiisa loo  gaaro.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeediyey in ay hormuud u noqdaan isbaddel weyn oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxa uu ugu baaqay dhalliyarada la qalday in ay ka soo laabtaan fikirka qaldan, Xukuumadduna ay soo dhaweeneyso.

Waa kulankii koobaad ee wada-tashi ah oo dhexmara Bulshada iyo Xukuumadda, waa ololle cusub oo lagu doonayo in uu qeyb ka noqdo isbaddelka magaalada Muqdisho ee dhinacyada ammaanka iyo horumarka, iyadoo gobolka Banaadir uu qaadanayo kaalinta uu lee yahay.

 Idale News Online, Muqdisho.