RW. Saacid :- Xukuumadda Somalia waxaa waajib ku ah inay madaxa saarato Saxafiyiinta

0
175

Raisul wasaaraha Xukuumadda Somalia Md. Cabdi Faarax Saacid Shirdoon ayaa sheegay in Xukuumadda Somalia ay waajib ka saarantahay inay dhaqaaleyso Bahda Suxufiyiinta, waxa uuna sheegay in xukuumadda ay tirtirto dhaawacyadii iyo dhibaatadii 21-sano lasoo gaarsiiyay Saxafiyiinta inta ay ku howlanaayen nabadeynta dalka Somalia

Mr Saacid waxa uu dhowr mar ka hadlay Xuquuqda Saxafiyiinta waxa uuna mar waliba xukuumadiisu kala hadlaa sidii in laga shaqeeyo hirgalinta Hay’addo ay leedahay Xukuumadda Somalia oo u dadaala Saxafiyiinta si maskaxdooda looga tirtiro dhibaatooyinkii soo gaaray inta Somalia ay bur-bursaneed

Raisul wasaare Shirdoon waxa uu sheegay in Saxafiyiinta ay kaalin weyn ka qaaten Ciribtirka Al-qacidada somalia islamarkaana ay garab istaagen Xukuumadda uu isaga ka yahay Raisul wasaaraha, waxa uuna sheegay inuu aaminsan yahay hadii magan-galyo lasiiyo Suxufiyiinta ay horumar ka dhalin karaan Gayiga Somalia oo iminka ku soo biiray caalamka

Hadalka Raisul wasaaraha ayaa kusoo beegmaaya xilli Xukuumadda Somalia gaar ahaan wasaaradda Warfaafinta ay qaaday talaabo lagu xakameynaayo Bahda saxafiyiinta waxaana arintaasi soo dhaweeyay Raisul wasaaraha isaga oona shegay in bahda saxaafadda ay xur u yihiin inay xushaan qodobo iyaga anfacaaya

Si kastaba aha ahaatee Shirdoon ayaa carabaabay in Saxafiyiinta ay heystaan Xuriyad islamarkaana looga baahanyahay inay marti galiyaan amaanka dalka somalia loogana fadhiyo inay bulshadda tusaan nabadda ka dhalat somalia.

Idale News Muqdisho