Ra’iisal wasaare Kheyre oo u anbabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

0
229

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw u anbabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyaga oo halkaa uga qeybgali doona shirka urur gobolleedka IGAD ee maanta halkaa ka furmaya.

Ra’iisal wasaarhaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya, waxaaa uu safarkan noqonayaa kii Labaad ee uu dalka uga anbabaxo tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka ee IGAD ee maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirka uu maanta ka qeyb galaayo ayaa horay waxaa u iclaamiyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in xaalad adag ay ka jirto dalka Koonfurta Suudaan.

Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii uu bur buray heshiiskii nabadeed ee ay gaareen Madaxweyne Salva Kiir iyo hoggaamiyihii Mucaaradka Reik Machar, waxaana isku dhac dhex maray ciidamada kala taageersan labada dhinac uu sababay in Mr Machar ka baxo Caasimadda Jubba, isla markaana ka tago dalka oo dhan.