Ra’iisal Wasaaraha Belgium-ka oo ka horyimid is casilaad ay sameeyeen laba ka mid ah Golahiisa Wasiirada

0
421

Brussels(INO)Charles Michel, Ra’iisal Wasaaraha Belgium-ka, ayaa si deg deg ah kaga horyimid is casilaad ay dalbadeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Cadaaladda, markii aanay waxba ka qaban digniin loo soo jeediyay oo la xiriirtay Ibrahim el-Bakraoui, oo ahaa ninkii 2-aad ee isku qarxiyay Garoonka Zaventem Ee Magaalada Brussels.

Jan Jambon, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Koen Geens, Wasiirka Cadaaladda, ayaa labaduba qoray saxiixay istiqaaladooda, waxayna u gudbiyeen Ra’iisal Wasaaraha, Khamiistii.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa Wasiiradaasi u sheegay in looga baahan yahay inay shaqadoodu sii wataan, isla-markaana aanu dalkoodu ahayn mid fashilmay, balse uu yahay mid awood u leh inuu sii jiro.
Ibrahim el-Bakraoui, ayaa bartamihii sanadkii hore lagu xiray dalka Turkiga, waxaana loo musaafuriyay dalkaasi Belgium-ka, oo dhalasho ahaan uu ka soo jeeday, xilli Belgium-ka loo sheegay in Turkigu uu ninkaasi kaga shakisan yahay dagaal-yahan ka tirsan Ururka Daacish.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa Xukuumadda Brussels ku dhaliilay inaanay waxba ka soo qaadin digniintii ay u jeediyeen, isla-markaana ay sii daayeen.

Ururka Daacish, ayaa sheegtay labadii weerar ee Talaadadii ka kala dhacay Garoonka Brussels iyo boosteejada laga raaco tareenada dhulka hoostooda mara.

Weeraradaasi waxaa lagu dilay 35 qof, halka 250 oo kalana lagu dhaawacay, sida uu Talaadadii xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Belgium-ka, Jan Jambon