Rag Ka Tirsan Dowlada Islaamka Ee ISIS Oo Lagu Xukumay Magaalada Baydhabo

0
153

Baydhabo(INO)- Maxkamada ciidamada Qalabka sida Qaybta 60-aad ee Gobolka Baay, ayaa saaka oo sabti ah waxa ay xukun ku riday Afar ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Dowlada Islaamka Ee Daacish ee  ka dagaalanta dalalka Syria iyo Ciraaq.

Afartaan ruux oo ka soo hormuuqday maxkamada ayaa waxaa lagu xukumay min 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Gobolka Baay Aadan Abuukar Maxamed.

Ragga la xukumay ayaa kala ah: 

1-C/Casiis Xasan Mursal oo lagu eedeeyay in kooxda Daacish ay u soo wakiilatay magaalada Baydhabo, si uu uga fuliyo falalka guracan ee kooxdaasi.

2-Mahad Nuur Siidow oo isna lagu sheegay inuu yahay ninka Kooxda Daacish ay wakiilka uga dhigatay in Baydhabo uu ka fuliyo Qaraxyada, isagoo la tilmaamay in uu awood u leeyahay in gacantiisa uu ku sameeyo waxyaabaha qarxa.

Labada kale ee maxkamada ciidamada Qalabka sida qaybta 60-aad ay xukunka ku riday ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Sheekh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaabow oo lagu eedeeyay in labaduba ay u xilsaarnaayeen fulinta dilalka qorsheysan ee kooxda Daacish ay ku talo gashay iney ka sameyso magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyntii, Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Gobolka Baay, ayaa sidoo kale sii deysay saddex ruux oo eedeedooda ay aheyd inay xiriir dhaw la leeyihiin ragga Daacishta ah, balse baaritaan kadib la ogaaday inaysan wax xiriir ah la laheyn raggaasi.