Qormo Xiiso Badan: Qiso Xigmad Leh oo Dhexmartay Boqorkii Suulka Lajarey iyo Wasiirkiisi Halhaysta ulahaa “Insha Allaah Waa Khayr”.

0
867

Bari hore ayaa waxaa jiray boqortooyo maalin maalmaha kamida ayaa waxaa ugaadhsi iyo dalxiis ubaxay boqorkii xukumayey boqortooyadaas iyo koox wasiiradiisa kamida, wasiir wasiiradiisa kamida ayaa wuxuu halhays ulahaa markay wax dhacaan kalmada “insha’alah waa khayr”, ugaadhsigii waxay siiwataanba boqorkii ayaa suul dhaawac kagaadhay, suulkii ayaa waxaa dhakhaatiirtiisii usheegeen in lajaro suulkaas maadama uu keeni karo teetano ama kaankaro.

Suulkii ayaa boqorkii laga jaray kadibna wasiirkii ayaa sidii halhaystiisu ahayd yidhi “insha’alah waa khayr” , hadalkaas waxaa kacadhooday boqorkii wuxuuna yirdhi ma suulka layjaray ayaad leedahay waa khayr oo kufarxaysaa” wuxuuna amray in laxidho wasiirkaas,  wasiirkii ayaa sidii hore ookale yidhi “insha’alah waa khayr” halkaas ayaana lagu xidhay wasiirkii.

Boqorkii iyo wafdigiisii waxay siiwateen ugaadhsigoodii waxay socdaanba waykala halaabeen boqorkii ayaa wuxuu ugalay meel ay kataliyaan qolo cawaan ah oo sanamo “dhagxaan ay ilaahyo kadhigteen” caabuda.

Qolodan cawaanka ahi waxay sanamadooda uqalaan iyagoo cibaado kadhiganaya kuna raali galinaya asnaamtooda qofka ‘dad’ martida u ah ama ay soo helaan isagoo anbada laakiin qofkaa looqalayo sanamka waa in laga helaa shuruudo ugaara, shuruudahaas waxaa kamida inuusan iin lahayn ama jidhkiisu dhamays tiran yahay.

Qolodii cawaanka ahayd waxay soo qabteen ninkii boqorka ahaa iyagoo faraxsan ayey ukeeneen ninkii aqoonta ulahaa shuruudaha lagarabo qofka sanamka loo gawracayo, ninkii wuxuu ka eegay shuruudihii, Nasiib wanaag wuxuu ku arkay inuu ninkan boqorkaa suul ka maqanyahay ninkii boqorkaa halkaasuu ku badbaaday.

Ninkii Boqorka ahaa wuxuu ogaaday in suulka lajaray uu u’ahaa khayr wuxuuna amray in ninkii wasiirka ahaa lasoo daayo.

Ninkii wasiirka ahaa waa lasoo daayay wuxuuna uyimi boqorkii, Boqorkii ayaa su’aal waydiiyey ninkii wasiirka ahaa wuxuuna kuyidhi markii suulka layjaray waxaad tidhi insha’alah waa khayr, waxayna iinoqotay khayr oo waa anigan qoomkii cawaanka ahaa kaga badbaaday laakiin waxaad iisheegtaa markii adiga aan ku xidhay waxaad tidhi insha’alah waa khayr ee adigu khayr kaad kaheshay xadhigii aan ku xidhay muxuu yahay?

Ninkii wasiirka ahaa ayaa ku jawaabay “markaad ixidhay waxay ii noqotay khayr oo hadii aadan ixidhi lahayn oo aan kula siisocon lahaa markay qoladaa cawaanka ahi ina qabato adiga markay kusiidaayaan anigana waxay iigowrici lahaayeen sanamkooda waayo aniga suulna ima go’nayn meelkalena imay go’nayn oo waxaan buuxin lahaa shuruudahooda, sidaa awgeed waxaan kaga badbaaday qodadaa cawaanka ah waxayna ii ahayd khayr”

Maxaynu ka faa’iidaysanaynaa sheekadan xikmada badan akhriste?

Hadii aan kaaga jawaabo akhriste waxaynu ka faa’idaysanaynaa dhamaanteen inuu hadalka wanaagsani ama halhaysta wacani ay leedahay rajo wanaagsan, Markaa dhamaanteen waa inaynu ku dedaalnaa hadalka wanaagsan ama halhaysta wacan.

Ilyaas Cabdi Cawke

W/D: ILYAAS CABDI CAWKE.

Idale News Online, Burco, Togdheer.