QM oo ugu baaqday dalalka Afrika inay deymaha ay qaataan dhimaan

0
281

New York(INO)-Ayadoo shalay Nairobi lagu soo gabagabeeyay shir caalami ah oo QM qabatay kaasoo looga hadlaayay arimaha ganacsiga (UNCTAD) ayaa waxaa ugu dambeyn markii lasoo xiraayay dalalka Afrika loogu baaqay inay dhimaan daymaha ay qaataan.

Dalalka Afrika ayaa haatan waxaa lagu leeyahay deymo badan.  Shirkaa ayaa ahaa kii 14aad ee noociisa ah waxaana diirada lagu saaraa arimaha horumarka iyo ganacsiga.

Waxaa amuurihii la isla gartay ka mid ahaa horumarinta ama hiigsiga yoolasha horumarineed ee kunsanadka (MDGs).

Waxaa sidoo kale laisla gartay sidii dalalka soo korya looga caawin lahaa arimaha ganacsiga baddalkii lagu daldali lahaa deymo badan oo ay taagteeda lahayn inay iska bixiyaan.

Sidoo kale waxaa warbixin laga soo saaray dhammaadka shirka iyo waxyaabihii lagu lafo guray kujiray in dhanka kalluumeysiga ee dalalka soo koraya sare loo qaado lana taageero.

Sanadihii 2012 ilaa 2013 ayaa la sheegay in deymaha lagu yeeshay qaarada ay gaareen $443 bilyan kuwaasoo kordhay sanadahaa markii loo eego sanadihii kuwaa ka horeeyay.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.