QM oo Cambaareysay Weerarkii ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
160

Muqdisho (INO) — Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareysay Weerarkii  Xalay lagu qaaday Maqaaxida Banaadir Beach oo ku taalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa u tacsiyeeyay ehelada iyo Asxaabta Dadkoodii ku waayay Weerarkii Xalay lagu beegsaday Maqaaxida Banaadir Beach ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo ahaa mid xoogan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 15 Ruux oo u badnaa Shacab kuwaasi oo qaarkood ku caweynayay Baarka Banaadir Beach oo ku yaalla Xeebta Liido.

Dhinaca kale, Afhayeenka Xarakada Al Shabaab, Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Wakaalada Wararka AP ayaa sheegtay mas’uuliyada Weerarkaasi.

Sheekh Abuu Muscab ayaa waxuu u sheegay Wakaalada AP in Dagaal yahano kuwaada ahi ay fuliyeen Weerarkaasi xooganaa.

Dagaal yahano hubeysan oo ka mid ah Xarakada Al Shabaab ayaa bishii January Weerar kan la mid ah waxey ku qaadeen Liido Sea Food iyo Beach View oo ah labo maqaaxi oo ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo soo afjaridiisa qaatay saacado badan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 Ruux oo xiligaasi ku sugnaa goobaha la weeraray.

Horaantii todobaadkan ayey aheyd markii Weeraro Ismiidaamin ah oo mas’uuliyadoodu ay sheegteen xarakada Al Shabaab lagu qaaday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee bartamaha Dalka Soomaaliya.