Qeybtii 1 Shaqaallaha Maamulka Hawada Soomaaliya oo Magaaladda Muqdisho loo soo wareejiyey “Sa

0
312

ka badan 25 sano oo ay ku howlgalayeen Shaqaaalaha maamula Hawada Soomaaliya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa qeybtii ugu horeysay oo ka kooban 34 ruux maanta ay ku soo noqdeen dalkooda, si ay uga howlgalaan xarunta ugu weyn maamulka hawada Soomaaliya oo ay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ay ka hirgalisay dowladda Federaalka.

Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa  waxa ku soo dhoweeyay Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya oo uu wehliyo wasiirka ku xigeenka wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi i Salaad (Oomaar), ayaa sheegay in soo noqoshada shaqaalaha maamulka  Hawada ay marqaati ka tahay inay Soomaaliya dib ula soo wareegtay maamulka Hawadeeda.

Wasiirka, ayaa intaas kadib waxa uu uu xariga ka jaraya hoyga shaqaalaha maamulka hawada Soomaaliya, waxaana uu ku dhiira galiyey bilowga howshooda.

Jaamac Axmed Muuse Ku simaha Maareeyaha Hey’adda duulista iyo sadaasha Hawada  iyo Cabdi Aadan Xasan  oo ka mid ah shaqaalaha maanta sida tooska  ugu soo wareegay Muqdisho ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin  hawada Qaranka inay dib uga maamulaan gudaha dalka,muddo ka yar bilna ay ku howl bilaabayaan.

In ka badan 25 sano oo Hawada Soomaaliya laga maamulayay Magaalada Nairobo ee dalka Kenya Soomaaliya waxay ku naaloonaysaa dib ula soo wareegista maamulka Hawadeeda oo qeyb weyn ka ah ilaalinta xoriyadda iyo madax banaadida dalka.