Qarax maanta Ka Dhacay Cisbitaalka Keysaneey ee Magalada Muqdisho.

0
61

Qarax weyn ayaa maanta waxaa uu ka dhacay cisbitaalka Keysaneey ee ku yaala magalada muqdisho, Qaraxaas oo uu ku dhintey hal qof kuna dhaawacmey in ka badan 10 ruux.

keysaney

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay gaari ay wateen dhakhaatiirta isbitaalkaas oo yaallay illinka hore ee isbitaalka, waxaana qaraxan uu dhacay xilli ay doonayeen dhakhaatiir ka shaqeeya isbitaalkaas.

Dhakhtarka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray, Mahad C/xafiid iyadoo uu sidoo kale ku dhaawacmay Dr. C/qaadir Xuseen Jimcaale oo ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgala isbitaalkaas iyo toddoba qof oo kale oo ay ku jiraan dad halkaas u tagay inay ehelladooda oo isbitaalka ku jira ay booqdaan.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay ka dambeyso weerarkaas, waxaase uu ku soo beegmayaa iyadoo hay’adaha amniga dowladda ay sheegeen inay sugayaan ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

 Idale news Online, Muqdisho.