Qarax lala beegsadey Ciidamada AMISON ee jooga Kismaayo iyo Afhayeenka Maamulka Jubaland oo ka hadley

0
153

Ciidamadda AMISOM ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagula eegtay gudaha degmada Kismaayo Qarax xoogan xili ay marayeen Wadada  jidcadaha nawaaxiga masjidka Xaaji Jaamac.Wararku waxay sheegayaan in miino dhulka agu aasay ay la kacday mid kamida baabuurta AMISOM gaar ahaan kuwa Siera Lione oo aan si fiican ula qabsan magaalada Kismaayo. iyadoo ilaa iyo hadal aan la ogayn khasaaraha ka dhashay halkaas.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada AMISOM ay isku gadaameen goobtii ayna hada baadhitaan ku wadaan xaafadaha ku xeeran goobta uu qaraxu ka dhacay. Sidaasna waxaa sheegay Afhayeenka Maamulka Jubbaland garabka Shekh Axmed Madoobe C/naasir Seeraar Maax.

[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/06/Seeraar1.mp3]

amison Qarax

Wuxuu sheegay Mr Seeraar inay ku raadjoogaan kooxihii ka danbeeyay qaraxa, isagoona xusay iminka xaalada Magaaladu inay tahay mid dagan.

Idale News Kismaayo