Dhageyso: Proff. Jawaari”Beesha caalamku Buun Buuniska haka dayso Khilaafka Madaxda”

0
184

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Prof,Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka C/wali Sheikh Axmed Maxamade.

Maxamed Sheikh Cismaan “Jawaari”ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is dajiyaan islamarkaana Khilaafka Madaxda Dalka la xalin doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Halkan Ka Dhageyso

“Beesha Caalamka waxaan ugu baaqayaa in aysan Buubuunin Khilaafka Madaxda,waan Xalineynaa oo Dalka Gudihiisa ayaan ku dhameeyneeynaa,anagoo Eegeyna Hay’addaha Dastuurka”ayuu yiri Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale Baaq u diray Xildhibaanada Soomaaliyeed,waxaana uu ku booriyay in uusan Saameeyn ku yeelan Howshooda Khilaafka Labada Mas’uul ka dhex taagan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa xiligaan u dhaxeeya Khilaaf Xoogan oo la mid ah kii Xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii ka horeeyay Dr. Cabdi Faarax Shirdoon.

jawaari& XASAN

 Idale News Online, Baydhabo