Olole looga soo horjeedo in dib loo soo magacaabo wasiiradii Saacid oo xildhibaano wadaan

0
181

Waxaa socda mooshin laga diyaarinayo Wasiiradii Xukuumadii Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid, iyadoo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay wadaan qorshe ku aadan sidii wasiiradaas aanay ka mid noqon Xukuumada la soo dhisayo.

Guux badan ayaa ka dhex socda gudaha Baarlamaanka, iyadoo Mudanayaasha Baarlamaanka ay wadaan isbaheysi xoog leh oo ku aadan sidii Wasiirada Xukuumadii Saacid aanay mar dambe u soo laaban.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada ololahan wada ay u badan yihiin Wasiiro horay xilal u soo qabtay oo iminka ah Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, waxaana laga yaabaa in ololahan uu ku sii xoogeysto Baarlamaanka gudihiisa.

Kulankii Isniintii la soo dhaafay ee Baarlamaanka Soomaaliya uu kalsoonida kala noqday Xukuumada Saacid ayaa waxaa ku jiray Wasiiro u codeeyay in Kalsoonida lagala noqdo Baarlamaanka, kuwaasoo Xildhibaano ah.

xildhibaano168

Inkastoo Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii Saacid ay ku dhow yihiin Madaxweynaha ayaa hadana la ogeyn sida Wasiiradaas mar kale uga soo muuqan karaan Xukuumada, maadaama waxyaabaha Xukuumada lafteeda lagu eedeynayay aheyd waxqabad la’aan iyo inay fashilantay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in sodon cisho gudahood ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub, isla markaana Baarlamaanka uu ka helo ansixin, kadibna soo magacaaba Xukuumad cusub.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya inay adkaan doonto sida Baarlamaanka ku meel mariyo Xukuumada cusub, hadii xubno badan oo hada isku dan ah ay danahooda ka dhex waayaan Golaha Wasiirada.