Nuqulkii Dhaarta Odey-Dhaqameedyada Digil iyo Mirifle & Xildhibaanada Beelahooda Halkaan Ka daalaco

0
253

Waxaa Idale News Online  u suurto gashey iney hesho isla markaana akhristayaasheeda sidey horeyba ugu balan qaadey halkaan ugu soo gudbineysaa Nuqulkii Heshiiska dhaarta ahaa ee Guddoomyaha Barlamaanka Somalia Sharif Xasan Sh. Aadan uu hordhigey Odey-dhaqameedyada Beelaha Digil iyo Mirifle, kaasoo iyaguna ay ogolaadeen isla markaasina ka wada saxiixeen dhamaan xubnaha xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle.

Sida ku cad nuqulkaas heshiiska dhaarta ee dhex marey xildhibaanka iyo Suldaanka/Ugaaska/Malaaqa Beesha xildhibaanka ka soo jeedo ayaa waxuu leeyahy “waa  in uusan awoodin inuu isu soo taago jagada guddoomiyaha barlamaanka haddeyse taasi dhacdana ay xilka ka xayuubin karaan” waa sida ay hadalka u dhigeene.

Nidaanka 4.5 ayaa noqdey caqabad aad u fool xun iyo fursad ay ka faa’ideystaan shaqsiyaad aan wax gal u aheyn dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isla markaana siyaasadii dalka guud ahaan ka dhigey meel ma shaqeyste u soo shaqo doonto halka dadkii Soomaaliyeed ee dalka u dhashay ay ka qatan yihiin qeeyraadkoodii,  waana tan maanta xitaa keentey in la agoonteeyo oo sidii la doono wax loogu sheego odey-dhaqameedkii soo jireenka ahaa gaar ahaan kuwii Digil iyo Mirifle laguna siyaasadeedyo wax loo tusey  horumar la’aan bulsho weynta beelaha Digil & Mirifle iyo deegaanadooda sabab lagu sheegey in jagada guddoomiyaha barlamaanka lagu tiimbareeyey tan iyo 1960kii, iyagoo aan marnaba is weydiin cidda leh dibu dhaca iyo masuuliyada horumarka la’aanta guud ee dadyowga ku abtirsada beelaha Digil iyo Mirifle. Qaroolkaan waxuu muujinayaa in odeyga dhaqameedka beelahaas la safteen ujeedo gaar ah oo qof ku doonaayo inuu ku gaaro himiladiisa siyaasadeed. Waana in la isweydiiyaa qofka mudan oo ka shaqeyn kara horumarka dadka &  deegaanada Digil iyo Mirifle intii caadifad iyo qiiro aan laga fiirsan lagu dhaqaaqin. Haddii aan si xilkasnimo leh la isu tusaaleyn oo aan danaha gaarka iyo weliba khaladaadka noocaasi oo kale ah laga digtoonaan waxaa suurtogal ah in ay dhici karto in beelaha Digil & Mirifle waayaan xilalka sare ee dowlada fursadaha hadda jirana  u weecdaan beelaha kale ee Soomaaliyeed sida beesha 5aad iyo Beelaha Direed oo tartanka Soomaalida dhan ka ah.

Qoraalka ayaa muujinaaya in dalka u baahan yahay in laga gudbo nidaamkaan 4.5 oo ah mid u hiilaaya musuqmaasuqa iyo fowdada Somalia ay bixi la’ dahay, dadka Soomaaliyeedna awood loo siiyo in codkooda iyo taageeradooda u madax banaanaadaan, isla markaasna fikir shaqsiyeed iyo ujeedo qof gaar ah ka turjumeysana aan ummada lagu dulmin laguna shaqeyn.

Idale News Online “INO” Muqdisho.