Muqdisho:Xildhibaanad ka tirsan Koofur Galbeed oo caawa lagu dilay

0
191

 

Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidkii degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ku dilay Haweeney ka mid aheyd Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay baxsatay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in illaa labo dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen Xildhibaanadan oo lagu magacaabayay Ruqiyo Abshir.

Wararka ayaa sheegaya in lagu dilay gurigeeda oo ku dhow nawaaxiga Isgoyska Maana-booliyo ee degmada Shibis.

Inta badan Xildhibaanada ka tirsan maamul goboleedyada qaar ayaa ku sugan magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa qeyb ka ah dilal taxane ah oo habeenadii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho.