Mo Farah oo ku guuleystay bilada dahabka ee 5000 mitir

0
284

Orodyahanka asalkiisa Soomaaliga yahay ee u orda  Great Britain Mo Farah ayaa ku guuleystay bilada dahabka ee 5000 mitir, waxaana kula tartamayay orodyahanka reer Itoobiya Hagos Gebrhiwet oo kaalinta labaad ciriirsaday.

Tartanka caawa ee xiliga geeska Afrika oo bilowday 3:30 daqiiqo wuxuu Mo Farah uu dhigay rikoor cusub oo taariikhda horay ugu dhicin boqortooyada UK ee uu u ordayay, isagoo afar jeer is xigta ku guuleystay biladaha dahabka ee 10.000 iyo 5000 mitir ee Olombikada 2012-kii iyo 2016-ka.

33 jirkaan ayaa orodkiisa ku dhameystay  13 : 03.30, waxaana uu markii uu dhameeyay uu sameeyay dabaal degii looga bartay iyo inuu sajuudo.
Mo-guul-kale-1Mo-guul-kale-2Mo-guul-kale-3Mo-guul-kale-4Mo-guul-kale-5Mo-guul-kale-6Mo-guul-kale-7