Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo Amar Ku Bixisay in La sii Daayo Fanaaniinta Xidigaha Geeska

0
173

Hargeysa(INO)— Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa amar ku bixisay in si deg deg ah loo sii daayo afar ka tirsan Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska, kuwaasoo maalinimadii Axadii lagu xiray Garoonka diyaaradaha Hargeysa, xilli ay ka soo laabteen magaalada Muqdisho oo ay bandhig faneed ku dhigeen maalmihii Ciida.

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa waxaa uu ku wargeliyay Booliska in Fanaaniintaas xoriyadooda loo soo celiyo.

Fanaaniintan oo kala ah Nimcaan Hilaac, Xamda Queen, C/raxmaan Oday iyo Maxamed Axmed Cirro Bakaal ayaa shalay la hor-keenay Maxkamadda, iyadoo Maxkamadda amartay in muddo todobaad lagu sii haayo xabsiga, inta dambiyadooda laga soo cadeynayo.

Maxkamadda ayaa ku amartay Taliyaha qeybta Booliska ee dambi baarista CID iyo Taliyaha Saldhiga Dhexe Booliska Hargeysa inay isla maanta sii daayaan afartan Fanaan oo ay Maxkamaddu sheegtay in xarigooda aanu hab sharci ah loo marin.

Sidoo kale Maxkamaddu ayaa sheegtay in Booliska uu ku guuldareystay inay Maxkamadda horkeenaan sabab sharci ah oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan amar qabasho iyo inay keenaan cadeymaha la xiriira xarigooda oo faah faahsan.

Qoraalka Maxkamadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dastuurka Somaliland, gaar ahaan qodobkiisa 25aad uu damaanad qaadayo xoriyada aas aasiga aee qofka, isla markaana ay reeban tahay in aan qofna xoriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.

Maxkamadu waxay sheegtay inaanay banaaneyn in qofna la qabto, la baaro, ama la xayiro haddii aanu markaasi denbi faraha kula jirin , ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo xirin garsoore awood u leh.

Illaa iyo hadda lama sii deyn Fanaaniintan, waxaana laga war dhowrayaa sida go’aanka Maxkamadda u dhaqan geliyaan Taliyaha qeybta Booliska ee CID iyo Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Booliska Hargeysa.

Wasiir ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa hore u sheegay in afartan fanaan ee Xiddigaha Geeska loo xiray iyagoo kaga soo qayb galay Muqdisho barnaamij ka soo horkeeda madaxbanaanida Somaliland.

Xariga Fanaaniintan ayaa waxaa hadal heyntiisa hareysay baraha bulshada oo dadka siyaabo kala duwan uga hadlayeen, waxaana dadka ay fariimo iska soo horjeeda soo gelinayeen barta Facebook, waxaana fariimaha qaar ka mid ahaa Fanaaniin qaarkood ku baaqayay in la sii daayo afarta fanaan.

Idale News Online, Hargeysa

Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here