Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun isugu jira dil iyo xabsi ku ridday askar ka tirsaneyd ciidamada

0
162

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno isugu jira dil Iyo xabsi ciidan ku riday 4 ruux oo lagu soo eedeeyay danbiyo kala duwan Kadib markii ay mas’uuiyiinta maxkamadaasi maanta gaareen degmada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeelada Dhexe.

Maxkamada Ciidamada ayaa la horkeenay Askar ka tirsan ciidamada qalabka sida  oo lagu eedeeyay dambiyo isugu jira dil iyo dhac, iyadoo maxkamadu dhageystay dacwada loo heysto dadkaasi,  ayaa ugu dambeynti waxaa xukunka maxkamada ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkada darajada Koobaan ee ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yarow.

Guddoomiyaha maxkamada ayaa sheegay in eedeysanayaasha la horkeenay maxkamada oo ka koobnaa Afar askari oo ka tirsanaa ciidamada ay yihiin dambiilayaal galay dambiyada lagu soo eedeeyay.

‘’Maxkamadu waxa ay ku kala xukuntay dambiilayaasha 1 Sadexle Cabdi Fitaax Xasan Maxmamed Dil Toogasho ah, Maxkamadu wax ay la wareeegtay qorigii uu falka ku geystay,  2 Xuseen tarmuus ‘’Tuug Bidaar Leh’’ oo maqane 5 sano oo xabsi ciidan ah’’ ayuu yiri gudoomiyaha Maxkamada oo ku dhawaaqay xukunka.

Idale News Muqdisho