Maxaa Gurmad Ah Oo Loo Diyaariyay Qaxootiga Ku go’doonsan Dalka Yemen?

0
235

Muqdisho (INO) — Mashaariic Gurmad Bini’aadanimo iyo mid Walaaltinimo loogu aruurinaya Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku xayiran Colaadda dalka Yemen, ayaa ka socda Muqdsho.

Teaser Image Maxaa Gurmad ah oo loo diyaariyay Qaxootiga ku go’doonsan Dalka Yemen?

Gudi Gurmad ah oo iskiisa isku abaabulay ayaa ka baahinaya Idaacadaha Muqdisho Barnaamijyo Gurmad Lacag & Alaabo kale isagu jira uga aruurinyaan Shacabka wax haystan.

Markab Ganacsade Soomaali ah, oo lagu magacaabo Cabdi Cali Faarax ayaa waxaa Maanta lagu billaabay Rarka Gurmad Raashiin, Dhar & Daawo isagu jira, kaasi oo Maalmaha soo socdo tagi doono dalka Yemen.

Markabkan oo ah midkii ugu horeeyay, ayaa la filayaa inuu wax badan u qaban doono Qaxootiga go;doonsan, ayaa Safarkiisa ugu horeeyay kasoo qaadi doono Yemen Dad gaaraya 2,300 Ruux oo lagu diyaariyay Waqooyiga & Koonfurta Yemen.

Markabka waxa uu sameyn doonaa Dhowr Safar oo uu ku tagi doono Yemen, waxaana Dowladda Federaalka sheegtay inay ku dartay Dhaqaatiir & Howlwadeenno kale oo u gurmanaya Shacabka dhiban.

Dekedaha ku yaalla Boosaaso, Muqdisho & Berbera ayaa ah kuwa ugu badan oo ay yimaadaan Qaxootiga ku ahaa Yemen, ee hadda dalkooda kusoo laabanaya.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here