Markab dagaal oo ku soo fool lahaa dalka Somalia oo la qabtay

0
162

fsdsdw

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Britain ayaa lagu xayiray Deked ku taallo dalka Spain, kadib, markii laga shakiyey ujeedada uu Markabkaasi ugu socday Xeebaha dalka Somalia.

Wargeyska Mail ee ka soo baxa Britain ayaa manta qoray in Markab dagaal oo ay la socdeen 6-Badmaax lagu qabtay Dekedda Santa Cruz ee magaalladda Tenerife ee dalka Spain.

Sarkaal horey uga tirsanaa Ciiddamadda Badda ee UK Royal Navy oo lagu magacabo Chris Enmarsh ayaa Kabtan ka ah Markabka dagaalka ee la qabtay.

Taliska Ciiddamadda Badda ee dalka Spain ayaa sheegay inay ka shakiyeen Doonida dagaalka ee Defender, waxayna xuseen inay ku tuhunsan yihiin inay ujeedo kale ugu socotay Xeebaha dalka Somalia.

Hadal ka soo baxay Mariniska dalka Spain ayaa lagu sheegay inay Shaqaaalaha doonida doonayeen inay hub cusub ka iibsadaan gudaha dalka Spain, iyadoo aad loo tuhunsan yahay sababaha ay hubka u iibsanayeen.

Ugu yaraan shan jeer ayey Ciiddamadda Spain baaritaan ku sameeyeen gudaha Doonidaasi oo ay ka baarayeen shixnadaha ay waday, iyadoo Doonida ku hakatay Deked ku taalla Deegaanka loo dalxiis tago ee Los Cristianos ee dalka Spain.

Doonida ayaa la rumeysan yahay in la doonayey in laga kireeyo Shirkadaha Shidaalka ee ka hawlgala Xeebaha Bariga Afrika kireystaan, si ay u ilaaliyaan goobaha shidaalka laga baarayo ee Xeebaha Bariga Afrika.

Doonida-dagaalka ee Defender ayaa waxaa ku rakiban labo Gantaal oo shaqeynayo iyo kuwo kale oo hawlgab ah, iyadoo ay Ciiddamadda Badda ee Britain horey u lahaan jireen Doonidan oo dhererkeedu dhan yahay 122-ft, culayskeeduna dhan yahay 135-tons.

Milkiilaha iyo Kabtanka Doonida Defnder, Chris Enmarsh ayaa ku dooday inuu Doonidaasi iibsaday labo sanno ka hor, wuxuuna beeniyey inay ku sii jeedeen Xeebaha dalka Somalia, si ay shixnaddo hub sharci-darro ah u tahriibiyaan.

Enmarsh waxa uu ku adkeystay inay ku wajahnaayeen Xeebaha dalka Senegal ee Galbeedka Qaaradda Afrika, si ay Wada-xaajood uga galaan sidii looga hortegi lahaa Doonyaha sida sharci-darradda uga kalluumeysata Xeebaha dalka Senegal.

 Xigasho:- Mail 0nline

Idale News Muqdisho