Mark Clattenburg Oo Shaabad Ugu Dabaal Dagay Inuu Hal Sano Garsoorey Finalka Euro 2016 & Finalka Champions League (+Sawir)

0
233

Garsooraha caanka ah ee reer England Mark Clattenburg ayaa shaabnad ugu dabaal dagay inuu sanad gudahiis garsooray laba final oo muhiim ah, kadib markii uu garsooray finalkii Champions League-ga ee Milano ku dhexmaray kooxdaha Real Madrid iyo Atletico Madrid iyo Finalkii Euro 2016 ee dhexmaray xulalka France Iyo Portugal.

Gabadha caanka ah ee reer Spain taasoo ku caan baxday iney shabadaha sameyso Mick Mahon ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir cadeynaya inuu labada gacmood shaabad ku sawirtay Mark Clattenburg oo ka mid ah macaamiisheeda.

Tatoo1

41-jirkaan ayaa sidoo kale garsooray finalka koobka ugu qadiimisan kubadda cagta ee FA Cup kaas oo dhexmaray koxaha Manchester United iyo Crystal Palace bishii May.

Tatoo