Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in taageero kooban ay ka geysteen howl galkii Ciidamada Kumandoska Faransiiska ku qaaday deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasoo la doonayay in lagu furto muwaadin Faransiis oo afduub loo heystay.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in Kumandoska Faransiiska ay ka caawiyeen sidii howl galka uga sameeyeen deegaanka, isla markaana mid ka mid ah diyaaradahooda ay la socotay diyaaradihii Faransiiska ee tagay Buulo Mareer.
“Waxaan ka geysanay taageero kooban, oo aan talooyin xaga sirdoonka ka siinay Faransiiska, diyaaradeena waxay ka mid aheyd sidii diyaaradaha Faransiiska ay gacan ugu siiyaan in howl galka uu guuleysto”ayuu yiri Obama oo la hadlay Golaha Senate-ka.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in arrintaas ay u sameeyeen codsi ka yimid dowladda Faransiiska, waxaana uu cadeeyay in diyaaradooda ay muddo kooban hawada ku jirtay, si ay amaanka Ciidamada Kumandoska Faransiiska u adkeyso.
Howl galka Faransiiska ayaa ahaa mid guuldareystay, markii Ciidamada Kumandoska ay kala kulmeen iska caabin xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Buulo Mareer.
Idale News Muqdisho