Maraykanka oo taageeray in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka

0
178

Sida laga soo xigtay diblumaasiyiin ka tirsan Qaramada Midoobay maalintii salaasada ahayd, dowladda Maraykanka ayaa ku boorisay Qaramada Midoobay   in ay fuliso codsigii ka yimid dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  ee ahaa in laga qaado Soomaaliya cunaqabataynta hubka ah ee saaran muddada 21-ka sano ah, taas oo ay sheegeen in uu taageerayo Mareykamku.

Diplumaasi heer sare ah oo Mareekan ah kana tirsan xafiiska Qaramada Midoobay oo jeclaystay in magaciisa la qariyo oo waramayay Wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin cunaqabatayn ka qaadista Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray diplumaasigu in ay  qayb ka tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya tilmaan fiican oo Soomaaliya ka imaanaysa,   siyaasad fiicanna ciyaaraysa,  iyadoo  Soomaaliyana tahay dowladd qaranimadeedu u dhamaystiran tahay.

Diblumaasigaas Maraykanka ah isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yiri” Anagu waan ku taageeraynaa awoodayna ee maaha awood ku maquunis, dadku qaar waxa ay leeyihiin dadka wax magaratada ah ayuu hubka gacantooda ku dhacayaa kuwa wanaagsana hubka gaari mayo”.

Horayna waxa ay u sheegtay Washington in ay Soomaaliya ku taageerayso codsigii ay usoo Gudbisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Hasayeeshee Ma cadda Inta ay la egtahay cunaqabatayn ka qaadista hubka Soomaaliya iyagoo Dadka u dhuun daloola arimaha Amniga ay sheegayaan in ay tahay in la fududeeyo hubka Soomaaliya gala, lalana socon doono hubka aad u waxyeeleeya dadka.

Arrintaan ayaa   ku soo beegmaysaa xili xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  uu ka codsaday todobaadkii tagay  Golaha Amaanka ee ka kooban 15-ka xubnood in ay dib u fiiriyaan cunaqabatayn ka qaadista hubka ee Soomaaliya, taasoo ah codsi ka yimid dhanka dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa Cunaqabataynta Hubka La saaray Sanadkii 1992 markaas oo ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee uu hor kacayay Madaxweynihii hore ee Dowladii dhexe  Maxamed Siyaad Barre. Waxa uuna hadalkan ku soo beegmayaa xilli dowladda Soomaaliya ay dadaalo ugu jirto Dib usoo celinta haybadii Qaranimo ee Soomaaliya.

Idale News Muqdisho