Madaxweyniyaasha Koonfur Galbeed, Jubba iyo Puntland Oo shir Muqdisho Uga Qaybgalaya

0
205

Muqdisho[INO]-Sida ay sheegayaan warar rasmi ah oo ay heshay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, waxaa maanta Magaalada Muqdisho kusoo wajahan Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe.

sahriif iyo gaas.
Ujeedada imaanshaha safarka Muqdisho ee labadaan Madaxweyne maamul Goboleed, ayaa waxa ay tahay in xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ay uga qaybgalayaan shir.
Shirka ka dhici doona Xalane maanta ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in looga hadlaayo arimo ku saabsan ammaanka iyo sidii loo dhisi lahaa ciidan tayo leh oo Soomaali ah. Shirkaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Beesha caalamka, iyadoo lagu casuumay Madaxweynayaasha maamulada Gobolada dalka.
Warar kale ayaa sheegaya in shirka uu ku saabsan yahay arimo ku aadan Hiigsiga 2016-ka, maadaama waxba aysan ka harin sanadkaasi, lana doonaayo in horay loo socdo. Saacadaha soo socda ee maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay soo gaaraan masuuliyiintaan.
Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here