Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xil Cusub U Magacaabaya Jen. Muungaab

0
1413

Muqdisho(INO) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu wado dadaal uu xil ugu magacaabaayo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Madaxweynaha ayaa la sheegay in Mungaab uu u ballanqaaday inuu kasoo dhexmuuqan doono dowladiisa, waxa uuna qorshaha ugu weyn uu yahay in Muungaab loo magacaabo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda ee xukuumadda Somalia, sida ay xogta sheegeyso.

Xilka uu Xasan Sheekh la doonaayo Muungaab ayaa waxaa sabab looga dhigay heshiis hoosaad dhexmaray labada Mas’uul, waxa uuna Xassan Sheekh xilkaasi ku bedelan doonaa hirgalinta qorshooyin gaar ah oo aan la cayimin.

Sidoo kale, Xasan Sheekh waxaa horyaal ilaa 3 xil oo Wasiiru-dowle ah waxaana mar waliba suuragal ah in Muungaab uu noqdo Wasiiru-dowle aan kaasi aheyn.

Ugu dambeyntii, Xil magacaabida Xassan Sheekh ayaa kusoo biya shubatay gaarista maslaxadiisa gaarka ah, iyadoo ay meesha ka baxday howlihii Qaranka.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay