Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shacab Soomaaliyeed Ugu Baaqay In Dalka Ay Ku Dhisaan Iskaa Wax u Qabso

0
260

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa ku dhiirigeliyay shacabka Soomaaliyeed inay iskood wax u qabsadaan, waddankoodana dhistaan.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu si rasmi ah daaha uga rogay mashruuc la magac baxay “Dalkaaga ku dhiso hal dollar’’.

“Waxaan ku bogaadinayaa maamulka gobolka Banaadir mashruucan cusub ee uu bilaabay ee salka ku haya dib u dhiska waddanka. Doorka ugu weyn ee dib u dhiska dalka waxaa iska leh Soomaalida. Marka la ina arko inaan wax qabsan karno ayaa caalamkuna uu gacan na siin karaa’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey maamullada kale ee dalka ka jira inay ku daydaan mashruucan oo degaannadooda ay ka hirgeliyaan, si loogu guuleysto hadafka dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u diray Soomaalida ku nool dalalka dibedda inay xoogga saaraan dib u dhiska waddankooda.

Xasan

Mar uu ka hadlayey arrimaha amniga Madaxweynaha waxaa uu sheegay in nabad-diidka Al Shabaab ay isku dayayaan inay dib u celiyaan Soomaaliya, balse aanay taasi marnaba dhici doonin, maadaama shacabka Soomaaliyeed uu doonayo nabad iyo horumar.

“Soomaaliya way socotey, dibna u soo laaban mayso. Falalka argagixisada marnaba nagama leexin karaan waddada aan dooraney ee dhinaca nabadda iyo horumarka. Argagixisada waxay weli faraha kula jiraan falal gurracan oo shacabka iyo martida inoo soo gurmatey ku waxyeeleynayaan. Caawa masjid ku yaalla Beled Weyne qarax ayay ka geysteen, subaxnimadii maanta qarax ayay ka geysteen Gaalkacyo, shaleyna dad isugu jira Soomaali iyo ajaanib waddankan wax u qabanaya ayay Muqdisho ku laayeen’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska , ehelada iyo dalalka ay ka soo jeedaan dhammaan dadkii ku dhintey, amaba ku dhaawacmey weeraradaasi bahalnimada ah.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha xusay in sannadkan 2016-ka ay Soomaaliya doorashooyin ka dhici doonaan, dowladda cusub ee la soo dhisayana waxqabadka laga sugayo ay ugu muhiimsan tahay inay waddanka u diyaariso doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca sannadka 2020-ka.

——————–DHAMMAAD–—————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here