Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi Balaaran oo u duuley Dalka Ingiriiska

0
170

Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia oo ay ka mid ahaayeen wasiiro , xildhibaano, ganacsato iyio qeybaha kale ee bulshada ayaa u duuley dalka Ingiriiska oo ay kaga qeybgali doonaan shirka Somalida ee London oo bishaan 7deeda lagu wado inuu halkaasi ka furmo.

Shirkani  ayaa waxaa lagu wadaa inay ka soo qeybgalaan Madaxweynayaal , Ra’iisul wasaarayaal, Wasiiru arrimo dibadeedyo, wakiilo kala matala dowlado,ururada caalamiga, kuwa gobolka , kuwa gargaarka , bankiyo,shirkado , maal-geliyeyaal shisheeye iyo kuwa kale .

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa Shirka Soomaalida London  ka jeedin doona  sida dowladiisa ay  taageero caalami ah u heli laheyd si looga baxo dhibaatada dabada dheeraatey oo in ka badan 22 sano dalka ku jirey.
Shirkaan ayaa ku soo aadaaya iyadoo khilaaf weyn uu soo  kala dhexgaley gudaha dowlada Federaalka kuwaasoo madaxweynaha ku eedeeyey inuusan tixgelin nidaamka iyo sharuucda dalka u taala, sidoo kalena waxaa  qaadacey maamulada Puntland iyo weliba Somaliland iney ka mid noqdaan wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Turkiga oo shirkaan lagu casumey ayaa isna ka cudurdaartey ka qeybgalkiisa, balse waxaa la filaayaa in uu u diro wakiil joob jog ka ahaada kulanka bisha 7deeda furmi doono. lama garan karo waxa Turkiga oo hormuud ka ahaa arrimaha Somalia uu Ra’isul Wasaarahaooda uga cudurdaarey ka qeybgalka shirkaan.
 london (1)

Wafdigani ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay gudoomiyaha baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha , Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha ciidamada, agaasimayaal ,diblomaasiyiin , qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha gobolada dalka iyo Xubno kale .

london (2) london (3) london (4) london (5) london (6) london (7) london (8) london (9) london (10) london (11) london (12) london (13) london (14) london (15) london (16) london (17)

 Idale News Muqdisho