Madaxweyne Xasan oo warqadihiisa aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Canada.

0
51

Madaxweyaha  Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa maanta Warqadihii Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Dowladda Canadda u Fadhindoona Dalkeenaan Soomaaliya.

Safiirka Canadda  ee Maanta Warqadaha Aqoonsiga laga Gudoomay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Devid Angal,waxaana uu si KMG ah ugu Shaqeyn doonaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,Taasi oo uu Tilmaamay in Amaanka Soomaaliya aan la isku haleyn karin.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/rixmaan Ducaale Bayle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Safiirka uu Dhawaan imaandoono Dalka Soomaaliya islamarkaana hada uu halkaasi u dagi doono Sababo amaan.

Devid Angal Safiirka Cusub ee Dowladda Canadda ay u soo Magacowday Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay kala Shaqeyn doonaan Amaanka iyo sidii Soomaaliya ay oga Dhici la hayd Doorasho Xor ah Sanada 2016-ka.

Xasan Sheekh Maxamuud

Idale News Online, Muqdisho.