Madaxweyne Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe Oo Jooga Addis iyo Ethiopia oo Go’aan ka Gaartay Doorashada

0
183

Addis(INO)– Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana la filayaa in qaar kale ay ku biiraan dhowaan, sida ay ogaatay Idale News Online.

Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan  Sheekh Aaden oo jooga Addis-Ababa, ayaa waxaa la filayaa inay ku biiraan Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdi Kariim Xuseen Guuleed.

Xubnahan ayaa halkaas u jooga shir ay ugu yeertay dowladda Ethiopia oo looga hadlayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee la filayo inay dhowaan dhacdo.

Sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen IdaleNews.com, Ethiopia oo dhowr bil ka fakareysay cidda ay taageri lahayd ayaa go’aan ku gaartay inay taageero madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa la filayaa in madaxda maamul goboleedyada ay ku cadaadiso taageerada Xasan Sheekh iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen inay soo xulaan xildhibaano codkooda siin doona Xasan.

Waxaa la rumeysan yahay in inta badan ay diyaar u yihiin inay aqbalaan amarka Ethiopia, marka laga reebo Axmed Madoobe oo ku andacoonaya in Xasan Sheekh uu ballamo badan uga baxay.

Ugu dambeyntii, Lama yaqaan illaa iyo hadda sababta ay Ethiopia ku taageereyso Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud.