Madaxweynaha Somalia oo xafiiskiisa kula shiray xoghayaha arimaha dibada Britain

0
187

Muqdisho(INO) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson oo saaka booqasho aan horay loo sii shaacin ku yimid magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha gargaarka sama falka ee UK siineyso Soomaaliya, abaaraha iyo shirka London ee bisha May dhici doona.

Boris Johnson xoghayaha arimaha dibada Britain  ayaa soo dhoweeyay doorashadii bil ka hor ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameyneyso dhinaca dimoqraadiyada.

Ugu danbeyntii, booqashada xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa ah mid hal maalin ah, waxaa la filayaa inuu shir jaraa’id kaga hadlo safarkiisa.