Madaxweynaha Dowlada KGS Oo Maanta Ku Howlan Inuu Soo Xiro Heshiiskii Afgooye

0
210

Afgooye(INO)-Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo shaley ka soo ambabaxay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa maanta ku sugan magaalada Afgooye.

shariif

Warar ay heleyso Warbaahinta Idale News Online  ayaa sheegaayo inuu Madaxweyne Shariif Xasan u joogo magaalada Afgooye inuu wax ka ogaado wixii ka dhaqan galay heshiiskii Afgooye.

Qodobadii Heshiiska Afgooye ayaan waxba ka dhaqan gelin ilaa hadda, ciidamadii dagaalamay oo lagu heshiiyey in la kala geeyo Xerooyin ciidan oo ku kala yaalo Ceeljaalle (Biimaal ) iyo Carbiska (Habargidir) ayaa weli ku sugan furimaha dagaalka .

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Ee Dowlada KGS Maxamed Xasan Fiqi iyo Wasiirka Awqaafta iyo Diinta  Macallin Barre ayaa ciidamo beehooda ah ku haysto xaafad ka mid ah magaalada MarkaCadey, halka C/Naasir Cabdi Caruush uu  beeshiisa Habargidir isku soo aruuriyey kuna soo xareeyey xaafad kale oo ka mid ah magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose.

Sarkaal ka tirsan maamulka degmada Marka ay ayaa warbaahinta Sidan U sheegey  ”Haddii  maleeshiyaadka Habargidir aan la geynin goobihii horey loogu cayimay ee ahaa CARBISKA, mar walbo waxaa la filanayaa in ciidamada ay is dilaan”.

Ugu Dambeyntii Heshiiska Afgooye ayaa u muuqdo burburay kadib markii bishii hore ee Maarso ay 3 qof iska dileen ciidamadii dagaalamay, waxaana weli jirto is gaad gaad.

Idale News Online, Xafiiska Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here