Madaxweynaha Burundi Oo Ku Fashilmay Inuu Dib Ugu Laabto Bujumbura, kadib Afgambiga Dhacay

0
176

Baajanbura(INO)-Madaxweynaha Burundi Peirre Nkurunziza ayaa ku fashilmay inuu dib ugu laabto Caasimada Bujumbura, saacado kadib markii Jeneraal ka tirsan Ciidanka Burundi uu ku dhawaaqay Afgambi, xilli Madaxweynaha uu dalka ka maqnaa.

Diyaaradda siday Madaxweynaha Burundi ayaa u suura geli weyday inay ka degto garoonka diyaaradaha Bujumbura, waxaana ay dib ugu laabatay magaalada Dara Salaam oo ay markii hore ka soo duushay.

Sarkaal u hadlay dowladda Tanzania ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku fashilmay inuu dalkiisa ku laabto, isla markaana diyaaradii siday ay dib u soo laabtay.

Madaxweyne Nkrunziza ayaa doonayay inuu dalka dib ugu laabto, si uu ula tacaalo afgambiga ka soo yeeray Jeneraal Godefroid Niyombareh, balse wali ma cada taageerada uu ka heysto saraakiisha kale ee Milateriga.

Jeneraal Godefroid Niyombareh ayaa ku dhawaaqay inuu xiran yahay Garoonka diyaaradaha iyo xuduuda Burundi, waxaana garoonka diyaaradaha ku sugan ciidamada daacada u ah jeneraalka ee isku dayga afgambiga ku dhawaaqay

Rasaas ayaa laga maqlayay saakay oo khamiis ah caasimada Bujumbura, gaar ahaan agagaarka Telefishinka Qaranka iyo Raadiyaha, waxaana la soo sheegayaa in ciidamada Burundi ay labo dhinac u kala qeybsan yihiin.

Madaxweynaha Tanzania Chikaya Kikwete ayaa cambaareeyay afgambiga la sheegay, waxaana uu xusay in wadamada gobolka aysan aqbali doonin, sidoo kale waxaa uu ku baaqay in la joojiyo rabshadaha ka socda Burundi.

Burundi ayaa waxaa kumanaan askari oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana la ogeyn saameynta ciidamada Soomaaliya jooga ku yeelan karto afgambiga dhacay iyo qalalaasaha uu galay dalkaas.

Rabshado bilowday 26-kii bishii April ayaa xasilooni la’aan siyaasadeed geliyay dalka Burundi, kadib markii uu Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku dhawaaqay in mar saddexaad uu isa soo sharaxayo, taasoo ka dhashay banaan baxyo looga soo horjeedo.

Idale News Online, Bujanbura

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here