Madaxtooyada Soomaaliya oo ka warbixisay shir Madaxweynaha uu uga qeyb galay Riyaadh

0
204

Muqdisho ( INO)- Afhayeenka Madaxweynaha Daa’uud Aweys safarkII uu Madaxweynuhu ku tagay Boqortooyada Sacuudi Arabia ayaa sheegay  in uu ka qeyb galay Madaxweynaha shir ka dhacay Magaalada Riyadha oo ay isugu yimaadeen wadamada Jaamacadda Carabta iyo dalal ka tirsan Koofurta America kaas oo looga hadlayay arrimaha ammaanka iyo siyaasadda isagoo tilmaamay in ahmiyad gaar ah uu u lahaa shirkaasi Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynaha Khudbad uu ka jeediyay shirkaasi uu kaga hadlay arrimaha dowladda Soomaaliya , ee ku aadan waxyaabaha u qabsoomay iyo horumarka ay gaartay.

Daa’uud Aweys ayaa carabka ku adkeeyay in Masuuliyiinta kale ee ahaa ka qeyb galayaasha shirka ay hoosta ka xariiqeen in Soomaaliya ku tallaabsatay horumar muuqda islamarkaana ay dalbadeen in dowladda Soomaaliya loo fidiyo Kaalmooyin dhaqaale.

Geesta kale Afhayeen Daa’uud Aweys ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay rajo wanaagsan ka qabto waxyaabaha ka soo baxay shirka ka dhacay Magaalada Riyaadh islamarkaana ay fileyso waxyaabihii halkaas looga soo ballan  qaaday in ay noqdaan kuwa loo fuliyo sida ay u ballan qadeen Masuuliyiinta ka qeyb gashay shirkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib shir uu kaga qeyb galay Magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudiga kaas oo ay isugu yimaadeen wadamada Jaamacadda Carabta iyo qaar kale oo ka mid ah wadamada Koofur Amierica.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here