Madaxtooyada Koofurgalbeed Weriyaasha oo looga yeeray goordhow

0
97

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weriyaasha ka howlgala magaalada Baydhabo looga yeeray madaxtooyada Koofurgalbeed.Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shir jaraa’id qaban doono balse lama oga in uu ku dhowaaqi doono inuu yahay musharax iyo in uu iska casili doono Madaxtinimada Koofurgalbeed,iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in uu iscasilayo.

Dhinaca kale waxaa gaaray magaalada Baydhabo diyaarad sidey qaar kamid ah xildhibaanada Koofurgalbeed kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho balse si rasmi ah looma oga tirada xildhibaanada gaartay magaalada Baydhabo.

Wixii ku soo kordha wararka Baydhabo kala soco Jowhar.com