Madaxii BBC Somali Service, Yuusuf Garaad, oo shaqadii ka tagey lana filaayo inuu ka mid noqdo Musharaxiinta Madaxweynaha

0
256

Madaxii iyo tafaftirihii Idaacada afka Somaliga ku hadasha ee BBC ayaa ku dhawaaqey in uu shaqadii uu ka haayey Laanta af Somaliga iyo Madaxii BBC Somali Service iska casiley una xuubsiibtey inuu ka qeyb noqdo siyaasada iyo loolanka adag ee ka jira Somalia. Isagoo barta facebook uu ku leeyahay war kooban ku soo qorey ayaa waxuu yiri.“20 sano kaddib, waxaan maanta ka ruqseystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga. Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal”ayuu bartiisa facebook ku soo qoray Yuusuf Garaad.”

Lama oga waxa rasmi ahaan ku dhaliyey inuu shaqadii uu ka haayey BBCda ka tago, balse waxaa la sheegaaya in markaan u soo tafaxeetey in uu siyaasada Somalia dhankiisa ka miiso, dhowaana  la filaayo inuu shaaciyo inuu ka mid  yahay liiska musharaxiinta Soomaaliyeed ee u taagan  tartanka madaxtinimada Somalia ee dhowaan la qaban doono.

 

Idale New ONLINE “INO” Muqdisho