Madaxda ugu sareysa ee Wasaarada Arrimaha dibada oo isku khilaafey 15 Deeq Waxbarasho oo Shiinuhu ugu deeqday Ardeyda Soomaaliyeed

0
180

Wasiirka Arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiiru  Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Max’ed Nuur Gacal oo wasiirada saaxiibada dhow la ah madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khilaaf uu soo kala dhex galay.

fowziaVsGacal gacal&Barow

Khilaafkaan ayaa la sheegay in uu ka dhashay kadib markii ay ku murmeen ilaa tiro 15 Minxo ama deeq waxbarasho dibadda ah oo ka timid dalka China taasoo ku timid safar wasiirada Fowsiyo ay dhowaan ku tagtey dalkaasi.

15 ka ayaa la sheegay in 5 ka mid ah la siiyay Waqooyiga ama Maamulka loo yaqaanno Soomaaliland oo ay ka soo jeedo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan halka 10 ka kalana la siiyay Soomaaliya inteeda kale.

10 ka Soomaaliya inteeda kale ama Koofurta la siiyay ayaa la sheegay in uu ku jiro Wiil uu dhalay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kaloo labada dhinac horay ay ugu muran sanaayeen Safiiro dibadda loo Magacaabay oo intooda badan uu soo diyaariyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ,Golaha Xukuumaddana la mariyay , Madaxweynuhuna uu qalinka ku duugay kuwaasi oo aaney ka war qabin dhammaan Fowsiyo

Idale News Online