Maanta oo ah Maalinta Cudurka Sonkorowga Caalamiga ah

0
589

Baydhabo(INO)-Maanta oo ku beegan taariikh 14 bisha Nofeembar ayaa waxaa loo dabbaal dagayaa daafaha caalamka oo dhan dadaalada looga soo horjeedo cudurka Sonkorowga ama Kaadi Macaanka.

Sonkorowga ama Kaadi Macaanka ayaa ah cudur dilaa ah oo in dhawaale aad ugu batay dadka caalamkaan ama koonkaan ku nool yar iyo weyn. Cudurkaa ayaa geeri kasokow darxumo badan keena sida in uu qurunsho xubnaha qaar.

Arintaa ayaa sababta in dadka qaarkii si uusan jirkooda ugu sii fidin hadii lugaha uu ka galo la gooyo lugaha.

Cudurkaa ayaa sidoo kale keeni kara indho la’aan iyo xanuuno kale oo badan oo musiibo adduun ah!

Ururka caalamiga ah ee la dagaalanka Sonkorowga ee International Diabetes Federation (IDF) ayaa sheegay in hal ka mid ah labadii qof ee weyn ee caalamka ku nool aan laga baarin cudurkaas.

Cudurkaa ayaa leh labo nooc [Sonkorow 1 iyo Sonkorow 2]. Ururka IDF ayaa bilaabay sanadkaan 2016 olole looga soo horjeedo faafitaanka cudurkaa ololahaas oo loogu magac daray Eyes on Diabetes (Indhaha oo ku Jeeda Sonkorowga).

Nooca   Sonkorow 2 ayaa daran labada nooc oo waa dilaa. Sidaa daraadeed ololaha ayaa lagu doonayaa in ugu yaraan qof waliba noocaa iska baaro iyo in labada noocba saameyntooda laiska baaro si wax looga qabto intaysan sii ballaaran.

Sanadkii lasoo dhaafay ayaa la qiyaasay in dad gaaraya 193 malyan oo qof uu cudurkaasi asiibay dunida oo dhan.