Maamulka Puntland oo Wasiirka Duurjoogta u dirtay magaalada Baydhabo, ka qeybgalka calaama saarka Shariifka

0
254

(Garowe INO)-Dawladda Puntland ayaa wafdi heer wasiir ah manta udiraysa magaalada Baydhabo ee gobalka Baay, si ay uga qeybgalaan Xaflada Caleema-Saarka Madaxweynaha dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan, wafdigan ayaa ka tagaya caasumada Puntland.

puntlabd-flag

Wafdiga oo ay hogaaminayaan xubno ka tirsan golaha Xukuumada Puntland, ayna ku jiraan saraakiil iyo Xildhibaano ayaa mudada ay joogaan Baydhabo, waxa ay la kulmi doonaan Odayaasha dhaqanka iyo maamulkaas oo ay kala hadlayaan iskaashiga labada dhinac iyo raadinta dawlad Faderaal ah.

Puntland ayaa mar kasta doonaysa dhismaha dawlad gobaleedyo ku dhisan Nidaamka Faderaalka, hase ahaatee sheegashada Puntland ee dhismaha nidaamka federaalka ayaan ah mid kaligeed u gaar ah oo si ay sadbuursi u hesho.

Wasiirka Deegaanka, Daaqa, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland Mudane Guuleed Saalax ayaa ka mid ah wafdiga, oo beri ka qeybgalaya xaflada Caleema-Saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Imaamshaha Puntland ee gobolka Bay iyo taageerada maamulka gacan ku rimiska ee Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ujeedkiisu yahay in dadka Digil iyo Mirifle ay ku kala qeybiso, hagadaarmooyinka ay Puntland ku caanbaxdey ee Soomaalidu  isla aragtey. Sidoo kale ay ku dooneyso in meesha looga saaro sheegashada DM ee gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo dad ka yimid Puntland iyo DDSI ee Itobiya ay soo buuxiyeen.

Dadka DM ayaa u arka Shariif Xasan Sheikh Aadan nin fuliya danaha lidka ku ah dadka Koonfur galbeed ee doonaaya in wax inclusive ah ama loo dhan yahay oo cadaalad ku dhisan ay dhistaan, si la mid ah Puntland oo go’doon siyaasadeed ku jirta ayaa iyaduna daneyneysa in gobolkaas saaxiib ku yeelato laakiin waxaa muuqata in ay wado qaldan qaadey ka dib markii ay taageertay Shariif Xasan Sheikh Aadan rabitaanka shacabka DM ay ka hiilisey.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here